Xilli ay qabanayeen shir jaraa’id, Mas’uuliyiin Sare oo QM ah ayaa xusay geesinimada iyo adkeysiga dadka Soomaaliyeed, waxa ayna bidhaamiyeen taageerada soosocota

27 Jan 2021

Xilli ay qabanayeen shir jaraa’id, Mas’uuliyiin Sare oo QM ah ayaa xusay geesinimada iyo adkeysiga dadka Soomaaliyeed, waxa ayna bidhaamiyeen taageerada soosocota

Muqdisho – Xilli Soomaaliya ay ka gudbeyso sanad-guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay tan iyo markii uu qarxay dagaalkii sokeeye, ayey saraakiil sar sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay xuseen geesinimada iyo adkeysiga muwaadiniinta Soomaaliyeed kuwaas oo u adkeystay qaar ka mid ah “xaaladaha ugu adag ee dal kasta oo dunida saaran soo maray sodonkii sano ee tegay."

"Iyada oo ay caqabado waa weyn wali harsan yihiin hadana dhabbaha naga horreeya uu u muuqdo mid dheer oo qodxa badan, waxaa muhiim ah in la garowsado horumarka la sameeyay," ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

“Haddii aan qiimeyn ku sameynno dhinac dhawr ah - dawladnimada,sida ay shaqeeyaan hay'adaha Qaranka iyo kuwa Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka, maalgashiga lagu sameeyey ganacsiga gaarka ah, maareynta maaliyadda dawladda, bixinta adeegyada, intaas waa wax yar oo ka mida waxyaabaha la sheegi karo, - Soomaaliya waxay ka bilaabaysaa 2021 meel ka wanaagsan 2011, iyo meel ka wanaagsan 2001, iyo meel ka wanaagsan dhammaadkii Janaayo 1991, ”ayuu raaciyay isagoo tixraacaya burburkii dowladdii Madaxweyne Siyaad Barre ee Janaayo 1991.

Ergeyga Qaramada Midoobay waxa uu warbaahinta kala hadlayey shir-saxaafadeed fogaan-arag ah oo uu ku qabtay Muqdisho, halkaas oo isaga iyo saraakiil sare oo ka tirsan QM ay ku bidhaaminayeen taageerada ballaaran ee ay hay’adaha adduunka siinayeen Soomaaliya sannadkii la soo dhaafay iyo sidoo kale sannada 2021.

Waxaa Md. Swan oo ah madaxa Howlgalka Kaalmeynta QM ee Soomaaliya (UNSOM), Adam Abdelmoula, oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya,sidoo kalena ah  isuduwaha arrimaha bili’aadnimada iyo deegaanka ee gobolka, iyo sidoo kale waxaa Nairobi uga jiray madaxa xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya (UNSOS) iyo kaaliyaha xogyaha guud Lisa Filipetto.

Marka laga yimaado UNSOS iyo UNSOM, waxaa jira in ka badan 20 hay’adood oo QM ah, sanduuqyo iyo barnaamijyo kala shaqeeya Soomaalida dhinacyo badan oo kala duwan. Waxaa ka mid ah horumarinta muddada-dheer iyo baahiyaha bani'aadamnimada ee degdegga ah, sidoo kale xafiisyada wanaagsan ee UNSOM, ee ka shaqeeya xallinta khilaafyada iyo dhex dhexaadinta.

"Waxaan sidoo kalaa rabaa in aan adkeeyo, ugu dambeyn, in shaqada Qaramada Midoobay ay tahay muujinta ujeeddooyinka ay bulshada caalamka wadaagaan," ayuu yiri Md Swan.

Inta badan barnaamijyada la qabto  waxaa lagu maalgeliyaa tabarucaadda deeqsinimo ee ay ku deeqaan wadamada kaalmada bixiya, kuwaas oo muujiyey sida ay ugu heelan yihiin in ay gacan ka geystaan horumarka Soomaaliya una isticmaalaan hay’adaha QM mashiinkii la soo marsiin lahaa taageerada,” ayu uku daray hadalkiisa. Markaa, xaqiiqdii, anaga oo ka hadleyna Qaramada Midoobay, arrintan iyada ah waxa ay turjumaad ka bixineysaa ka go’naanshaha beesha caalamka in iyaga oo maraya hay’adeheena ay u doonayaan in ay u taageeraan dadka Soomaaliyeed.”

Doorashooyinka Soomaaliya

Xilli shaqada qoyska Qaramada Midoobay ee Geeska Africa lagu bidhaamiyey shirka jaraa’id, xaalada doorasho ee Soomaaliya ayaa sidoo kale in badan loogu soo qaaday.

Bilihii la soo dhaafay, UNSOM waxa ay ku lug lahayd horumarinta doorashooyinka qaranka.

Iyada oo ay saaxiibadeena beesha caalamka na weheliyaan, hawlgalka QM waxa ay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ku boorinayeen in ay la yimaadaan tanaasul iyo in ay wadahadlaan si hore loogu ambaqaado hirgalinta heshiiskii doorashada ee la gaaray 17kii bishii Sebteembar ee sanadkii tegay – kaas oo hadda la’isku mari la’yahay.

“Kulamo wadajir ah oo aan la yeelanay xilli ay na weheliyaan saaxiibada kale ee caalamka, iyo kulamo heshiisyo laba daraf ah, waxaan adkeenay muhiimada ay leedahay si mideysan la’iskula fahmo tallaabooyinka xiga ee la qaadayo kahor 8-da Febraayo, si looga baaqsado hubanti la’aan.” Ayuu yiri Mr. Swan, isaga oo sii raaciyey in marar badan ay beesha caalamka muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan in la sameeyo habraacyo is barbar socda, waxa ayna cadeeyeen in ay qasab tahay in aysan jirin xasarado.

“Waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida in ay la yimaadaan niyad wanaag, ay laba jibaaraan dadaalkooda lagu xallinayo qodobada xasaasiga ah ee ka taagan hirgalinta habraaca doorashada iyo in lagu xalliyo qodobadaas wadahadal si loo gaaro heshiis hore loogu socdo kaas oo u wanaagsan dalka,” ayuu yiri Md. Swan.

“Saddex Masiibo”

Kelmedihiisii shirka jaraa’id ee lagu qabtay Aaladda fogaan aragga ah waxa uu Md. Abdelmoula uga hadlay taageerada dhinacyada badan ah ee ay hay’adda aduunku u fidiso dhinacyada horumarka iyo gargaarka ee Soomaaliya, isaga oo xusay horumarka iyo caqabadaha la wajahay labadaba.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya uu ugu bilowday sanadka 2021 tiro caqabado ah kuwaas oo la mid ah kuwii soo maray 2020-kii. Waxa loogu yeero saddexda masiibo ee ay ka midka yihiin bedelka cimilada oo ay ka midka yihiin daadadka iyo abaarta; ayaxa iyo xanuunka safmarka ah ee COVID-19.

Qaramada Midoobay waxa ay ugu deeqday gargaar isugu jira raashin iyo nafaqo dad gaaraya 12,000 (Laba iyo Toban Kun) oo ay saameysay dabeyshii Gaati ee ku dhufatay gobolka Bari ee Puntland bishii Nofeembar sanadkii tegay. Dabeyshaas waa tii ugu xooganeyd nooceeda Gaati ee saameysa Soomaaliya muddo tobaneeyo sano ah.

Ayaxa ku duula dhulka qalalan ayaa saameyey Soomaaliya – sida uu qabo Mr. Abdelmoula Ayuxu waxa uu saameeyey dad gaaraya 70,000 (Todobaatan kun) iyo ku dhawaad   dhul hektar ahaan gaaraya 300,000 (Saddex Boqol oo kun). Sarkaalka QM waxa uu sheegay in QM ayu ilaa iyo hadda taageero u fidisay beeraley ay tiradoodu gaareyso 25,000 (Shan iyo labaatan kun) halka ay buufiyeen dhul cabirkiisu le’egyahay 110,000 (Boqol iyo Toban Kun) oo hektar.

Dhinaca COVID-19, QM waxa ay taageero u fidisay ka jawaabiddii ay waday waaxda caafimaadka tabarta daran ee Soomaaliya. Taageerada ay bixisay waxaa ka mid ah xoojinta  qalabyada wax lagu baaro ee dowladda, sameynta meelo khaas ah oo loo adeegsado karantiilka, tababbaro la siiyey in ka badan 5,000 (Shan Kun) oo ah shaqaalaha caafimaadka iyo qeybtinta kunanaan qalabka ay shaqsiyaadka isku difaacaan.

“Dhammaan tallaabooyinkaas waxa ay sidoo kale yeelan doonaan saameyn waqti dheer ah,” ayuu yiri Md. Mr. Abdelmoula. “Waxa ay gacan ka geysteen dhisidda iyo xoojinta nidaamka caafimaadka – iyada oo horumariyey caafimaadka Soomaalida, tababbarna u fidiyey Wasaaradda Caafimaadka iyo shaqaalaha caafimaadka ee waqti dheer shaqeyn doona.”

Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay wuxuu kaloo iftiimiyay sida COVID-19 ay u yeelatay saameyn ka baxsan caafimaadka iyo fayoobaanta Soomaalida, iyadoo sidoo kale waaxda waxbarashadda ee dalka ay aad u saameysay. Qaramada Midoobay waxay siisay gargaar-waxbarasho oo deg-deg ah ku dhowaad 540,000 oo carruur ah.

Kuwani waa qaar ka mid ah tusaalooyinka halka aan ku guuleysannay in aan wax yar ka beddelno. Laakiin tani maahan in aan nafteena isku dhigano ama ku nasanno wax uun, ”ayuu yiri Mudane Abdelmoula. “Waxyaabihii galay walaaca saddex-geesoodka ah ma aysan tagin - dhab ahaantii, waxay uga sii dari doonaan baahiyaha bani'aadamnimo sannadkan. Annaga soo kaashanayno saaxiibadeen, waxaan u baahan doonnaa inaan kor u qaadno dadaalladaan si aan u gaarno dadka ugu nugul ee dhibaatadu soo gaadhay.”

Dhanka dhaqaalaha, 'seddex-walaac ayaa carqaladeeyay dhabbihii ay Soomaaliya u mari laheyd soo kabashada dhaqaalaha, laakiin waxaa jira ifafaalo rajo ah.

“Soomaaliya waxa ay horumar la taaban karo ka sameyneysaa dadaalada deyn-cafinta ee wadamda sida weyn u qaameysan ee saboolka ah maraan. Deynta Soomaaliya lagu leeyahay waxa ay le’ekeyd $5.3 bilyan dhammaadki 2018. Deyta  waxaa lagu soo koobi karaa ilaa iyo $557 milyan haddii Soomaaliya ay gaarto heerka gabagabada sanadka 2023,” waxaa sidaas yiri Md. Abdelmoula.

Taageerada saadka

Kelmedeeda ay u jeedisay warbaahinta, Ms. Filipetto waxa ay bidhaamisay sida Golaha Ammaanka ee QM ee u dhisay UNSOS 11 sano kahor si ay dhinaca saadka uga taageerto Hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM).

Ilaa iyo xilligaas, waxaa ku soo kordhay mas’uuliyado kale oo ay ka mid yihiin in ay taageero ciidamada ammaanka ee Soomaaliya, UNSOM iyo guud ahaan qoyska QM iyo saaxiibada caalamka.

“Doorkeena ugu weyn”, ayey tiri, “Waa taageeridda dadaalada Soomaaliya ay ku raadineyso nabad, xasillooni iyo horumar ay gaaraan dadkeeda, iyada oo si dhaw diiradda loo saarayo taageeradeena dhinaca amniga.”

UNSOS waxa ay hadda taageertaa 11,000 oo ka mid ah ciidamada qaranka Soomaaliya (SNA), kuwaas oo ay siiso taageero dhinaca raashinka, biyaha, qlabka difaaca, teendhooyin iyo isgaarsiinta, sidoo kale waxa ay furimaha dagaalka ka soo daad gureysaa dhaawaca si loo daaweeyo. Tirada ciidamada waxa ay gaari karaan ilaa iyo 3,000 (Saddex Kun) sanadkan oo ay ku jiraan 1,000 (Kun) saraakii boolis ah.

Taageero taas la mid ah waxa ay siisaa ku dhawaad 20,000 ka mid ah militariga AMISOM, boolis iyo waliba waxa ay la tacaashaa saadka AMISOM, waxa ayna ka taageertaa hawlaha maamulka, mararka qaar, waxa ay gacan siisaa saaxiibada ka shaqeeya horumarka iyo bah-wadaagta caalamka.

“Haddii aad aragto diyaarad QM ah oo duuleysaa, taasi wax ay ku timi dadaalka UNSOS. Waxaan ilaalinaa oo aan mamaulnaa dhammaan kolonyadeena. Maraakiibteena kolonyada ah waxa ay qaadaan dadka iyo agabka ee u kala goosha dalka,” waxaa sidaas tiri Ms. Filipetto.

UNSOS waxa ay sidoo kale dhistay qeybaha iyo xarumaha AMISOM ee Soomaaliya , iyo sidoo kale qalabka iyo xafiisyada QM.  Waxa ay hadda horumarin ku wadaa garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Baydhabo, Beledweyn si iyada adeegsigeeda iyo midda hawlaha ganacsiga ee dadka Soomaaliyeed uga faa’iidaan.

Mas’uulka QM waxa ay hadalkeeda ku soo gunaanaday xusidda xiriirka xooggan ee u dhexeeya UNSOS,Dowadda FederaLka Soomaaliya,Dowlad Gobolleedyada, AMISOM, Midowga Africa iyo hawlgalka QM ee dalka.

“Waa dadaal weyn oo iskaashi si la isula xambaaro dhammaan saadka ay u baahan yihiin ku dhawaad 30,000 (Sodon Kun) oo ciidan, kuwaas oo jooga furimaha dagaalka,” ayey tiri Ms. Filipetto. “Waxaan isu aragnaa in aan qeyb ka nahay kala-guurka, ugu dambeyn, waxaan rejeyneynaa in aan loo baahan doonin adeegeenna, marka ciidamad ammaanka ee Soomaaliya ay la wareegaan mas’uuliyadda, iyaga arrimaha isu  maamuli doona.”