UNDP oo taageeraysa aasaaska kooxdii ugu horreysay ee warbaahineed oo dhammaan wada dumar ah ee Soomaaliya

11 Apr 2022

UNDP oo taageeraysa aasaaska kooxdii ugu horreysay ee warbaahineed oo dhammaan wada dumar ah ee Soomaaliya

Muqdisho– Dadaallada lagu xaqiijinayo in codadka haweenka laga maqlo qaybaha warbaahinta Soomaaliya ayaa toddobaadkan helay dhiirrigelin kaddib markii la daahfuray ‘Bilan,’ oo ah warbaahintii ugu horreysay ee dhammaan dumar ah ee wadanka.

Saxafiyiinta haweenka Soomaaliyeed waxa ay sheegaan caqabado badan marka ay gudanayaan shaqadooda. Waxaa lagu dhibaateeyaa wadada marka ay dibadda u qaadanayaan kaamaradd ama ay isku dayayaan in ay wareysi qaadaan. Xubanaha mas’uuliyiinta ah ayaa mararka qaarkood diida inay iyaga la hadlaan, iyagoo dalbanaya in saxafi lab ah uu su'aalaha weydiiyo.

Xataa gudaha xarumahooda warbaahinta, haweenku waxay la kulmaan dhibaatayn ka imaaneysa dadka shaqo-wadaagga la ah,  waxaana si joogto ah loogu diidaa fursadaha tababarka iyo dallacaadyada. Haddii haweeneydu ay gaarto jago maamul, inta badan waa la iska indhatiraa iyadoo tiro badan oo ka khibrad yar hoggaanka qabtaan.

Taasi awgeed, xirfadda haweenka ayaa hoos u dhac ku yimaada, qaybta warbaahinta Soomaaliduna waxa ay ka gaabsan karaan tebinta arrimaha khuseeya kala bar bulshada – sida rabshadaha ka dhexdhaca qoyska, guurka carruurta, gudniinka fircooniga ah iyo qaar kale oo badan.

“Saxaafadda Soomaaliyeed waxa ay gabdhaha saxafiyiinta ah u tahay goob colaadeed. Waxaa u weji-kaduuda bulshada oo aaminsan in doorka haweenku yahay inay guriga joogaan, cunto kariyaan, carruurna ay dhalaan,” ayaa ah sida Laylo Cismaan oo ah guddoomiyaha urur u dooda xuquuqda suxufiyiinta haweenka Soomaaliyeed, ay ku qeexday qiimayn dhowaan saaxada saxaafadda Soomaaliya loogu sameeyay barnaamijka horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ee Soomaaliya.

Iyadoo laga jawaabayo, UNDP waxay taageertay abuurista Bilan, xarun warbaahineed haweenka u gaara oo ay tifaftirkeeda u madax-bannaan yihiin. Bilan, oo macnaheedu Soomaaliga yahay dhalaal iyo saafi, ayaa hawlaheeda billowday bishan. Waxaa ka shaqeeya oo maamulaan gebi ahaan haween - shan wariye iyo tifaftire - waxay hiigsaneysaa inay soo saarto saaxafad  tayo sare leh, saameyn sare leh, oo asal ah dhammaan qabyaha ka kooban, oo ay ku jiraan telefishanka iyo raadiyaha.

Warar Culus iyo Falanqayn sheeko

War-tebinta kooxda Bilan waxay dabooli doontaa wararka adag iyo sidoo kale falanqynta sheeko ee qoto dheer. Iyada oo leh aragtideeda gaarka ah iyo galaangalka nolosha haweenka iyo ra'yiga, waxa ay sidoo kale ujeedadeedu tahay in ay illin cusub u furto saxaafadda Soomaaliyeed guud ahaan, iftiiminta sheekooyinka in badan la iska indhatiray.

 Waxaa marti gelineysa  Hay’adda Warbaahinta Dalsan (Dalsan Media Group)  oo ah hormuudka warbaahinta Soomaaliya, Waxaa lagu shaqeynayaa xafiisyo si gaar ah u qalabeysan oo dabaq dhan ah ee dhismo ku yaalla magaalada Muqdisho. Xafiiska ka sokow, Dalsan waxa ay bixineysaa madal dammaanad ah oo warbixinnada haweenka lagu baahinayo telefishankeeda, raadiyaheedaa iyo baraheeda internetka.

Taageerada QM

Hay’adda UNDP waxa ay dabooleysaa kharashaadka Bilan. Waxa kale oo ay maamuli doontaa barnaamij dhammaystiran oo tababar iyo hagitaan ah, oo la qaabeeyey iyadoo lala tashanayo haweenka saxafiyiinta ah ee maxalliga ah laguna salaynayo khibradooda caqabadaha nolosha dhabta ah.

 Sida laga soo xigtay hay'adda Qaramada Midoobay, barnaamijka warbaahineed ee taageerada ah ayaa keenaya tababarayaal si wanaagsan loo ixtiraamo, oo ay ku jiraan Lyse Doucet iyo Razia Iqbal oo ka socda Shirkadda Warbaahinta Ingiriiska  ( BBC), Lindsey Hilsum oo ka tirsan Kannaal 4 ee Ingiriiska iyo Maxamed Cadow oo ka socda Al Jazeera, iyo sidoo kale xubno magac sare leh oo ah afhayeennada dawladda iyo qaybaha gaarka.

Tababarku wuxuu daboolayaa dhammaan dhinacyada saxaafadda dhijitaalka ah. Dhanka farsamada, waxaa ku jira xirfado ay ka mid yihiin soo saarista muuqaalada, sawir qaadista iyo tafaftirka codka. Si ka sii ballaaran, waxa uu dabooli doonaa war-tebinta baarista iyo xeeldaha waraysiga, anshaxa warbaahinta iyo badbaadada.

Bilan waxa ay sidoo kale waddaa barnaamij tababar shaqo oo loogu talagalay ardayda saxafada haweenka ee sanadkii ugu dambeeyay ee Jaamacadaha Muqdisho iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Kuwa haysta dhibcaha ugu wanagsan ee ku guuleysta wareysiga tartanka ah waxa ay heli doonaan fursad ay ku qaataan lix bilood oo ay la shaqeeyaan Bilan oo ay ka faa'iidaystaan ​​khibrad wax ku ool ah iyo barnaamijka tababarka ee socda.

 UNDP waxa ay sidoo kale ka caawinaysaa Bilan in ay hesho dhagaystayaal caalami ah iyada oo la shaqaynaysa xarumo caalami ah oo soo bandhigi kara shaqadeeda warbixinta. Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale qorsheynaysa in ay abuurto shabakado ay ku shaqeeyaan haweenka saxafiyiinta ah ee Soomaaliyeed si ay isaga kaashadaan haweenka wariyayaasha ah ee ku sugan xaaladaha adag sida Afgaanistaan, taas oo qayb ka ah dadaalka loogu jiro sidii haweenku isu taageeri lahaayeen, u wadaagi lahaayeen khibradaha, una baran lahaayeen sida dadka kale uga soo gudbeen caqabadahan oo kale.