War-saxaafadeed ay isla soo saareen FAO-OCHA-UNICEF-WFP ee Xaaladda Degdegga ah ee Abaarta Soomaaliya

12 Apr 2022

War-saxaafadeed ay isla soo saareen FAO-OCHA-UNICEF-WFP ee Xaaladda Degdegga ah ee Abaarta Soomaaliya

Soomaaliya waxa ay wajaheysaa xaalad macaluul ah iyadoo duufaan aad u daran oo astaan u ah roob yari, qiimaha cuntada oo cirka isku shareeray iyo dhaqaale yari aad u badan ay keeneen in ku dhawaad ​​40% Soomaalida ay qarka u saarnaadaan macluul.

Muqdisho - Malaayiin Soomaali ah ayaa halis ugu jira inay ku habsato macluul, iyadoo saameynta abaarta daba dheeraatay ay sii waddo inay baabi'iso nolosha iyo noolaha, iyadoo baahida sii kordheysa ay ka badan tahay gargaarka bani'aadamnimo ee loo heli karo, ayay maanta ka digeen hay'adaha Qaramada Midoobay.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cunnada iyo Beeraha (FAO), Xafiiska Isku-dubbaridka Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA), Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF), iyo Hay’adda Cunnada Adduunka ee (WFP) ayaa ku baaqaya in si degdeg ah dhaqaale loogu deeqo, si loo suurtageliyo in sare loo qaado gargaarka naf-badbaadinta ee Soomaaliya. Tani waxay daba socotaa markii la sii daayay warbixin cusub oo isku-dhafan oo lagu magacaabo Maraxaladda Kala-saarist ee Sugnaanta Cunto ee Isku-dhafan (IPC) oo lagu ogaaday in lix milyan oo Soomaali ah, ama ku dhawaad ​​40 boqolkiiba dadweynaha, ay hadda soo food saartay heerar cunto yari aad u daran, iyada ay meelaha xaaladaha macluusha ah ay u badan tahay lix goobood oo dalka.

Tani waa ku dhawaad ​​laba laab tirada dadka ay soo food saartay xaalad cunto yari ba'an oo abaarta iyo xaaladaha kale ee la xiriira tan iyo bilowgii sanadkan. Waxay ka tarjumaysaa xaaladda bini'aadantinimo oo si degdeg ah uga sii daraysa, iyadoo malaayiin Soomaali ah ay daaleen awoodoodii ay ula tacaali lahaayeen dhibaatada iyo dhaqaale yarida taasoo ka dhigan in arrimaha gargaarka aanay dabooli doonin baahida tirada sii kordhaysa ee dadka wajahaya xaaladda degdega ah.

"Saadaasha khatarta macluusha ee lix goobood waa mid aad looga walaaco, waana inay noqotaa digniin aad u culus, haddii aan runtii ula jeedno ‘inaan dib loogu noqon xaaladii 2011-ki'. Xaqiiqdu waxay tahay in waqtigu aanu noo hiilineyn, dad badan oo nolosha iyo maciishada ah ayaa khatar ugu jira in la lumiyo haddii ay dhacdo dib u dhacyo kale oo maalgelin ah," ayuu yiri Adam Abdelmoula, Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Gargaarka Bani'aadamnimada iyo Degaanka. “Sidaa darteed waxaan sii wadaa in aan ugu baaqo mas’uuliyiinta iyo saaxiibadayada horumarineed in ay si dhab ah u dhaqmaan oo ay gacan ka geystaan ​​kor u qaadista deeqaha si loo daboolo baahiyaha degdega ah ee sii kordhaya, loo badbaadiyo nafo badan iyo samata bixinta noole badan oo ay helaan dadka Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa ku daray Mudane Abdelmoula.

Isku soo wada duuboo, hay'adaha bixiya gargaarka bini’aadannimo waxay gargaar gaarsiiyeen ku dhawaad ​​laba milyan laga soo bilaabo Febraayo 2022, laakiin farqiga weyn ee u dhaxeeya maalgelinta deeq-bixiyayaasha ayaa la macno ah in aanay sii wadi karin oo aanay kordhin karin taageeradooda si ay u daboolaan baahiyaha sii kordhaya. Haddii farqigaas aan si degdeg ah wax looga qaban, waxay gacan ka geysan doontaa natiijooyin ka sii xun oo leh khatar dhab ah oo ah macaluul baahsan. Markii ugu dambeysay ee masiibo bini’aadantinimo oo kale ay ka dhacdo Soomaaliya waxay ahayd sanadkii 2011, markaasoo xaalado macluul ay ku dhinteen rubac milyan qof.

"Maalgelinta aan u baahanahay si aan uga jawaabno xaaladan ba’an ee heerkan la eg weli nama soo gaarin. Dhammaanteen waan daawaneynaa masiibadan dhacaysa gacmahana waa naga xiran yihiin,” ayuu yiri Etienne Peterschmitt, oo ah wakiilka FAO ee Soomaaliya. "Waxaan rabaa in aan carrabka ku adkeeyo in aysan aad u daahin. Maalgelinta maanta la helay ayaa weli ka hortagi karta xaaladaha daran, laakiin waa in ay ku timaaddaa si baaxad leh waana in ay si dhakhso ah u timaadaa," ayuu yiri.

Carruurta da'doodu ka yar tahay shanta sano ayaa ka mid ah kuwa ugu nugul abaarta sii xumaanaysa, waxaana aad u yar helidda cunnada iyo caanaha taasoo ay ugu wacan tahay sare u kaca qiimaha badeecadaha iyo hoos u dhaca qiimaha xoolaha. Ku dhawaad ​​1.4 milyan oo caruur ah ayaa soo wajahday nafaqo darro aad u daran sanadkan dhamaadkiisa, iyadoo ku dhawaad ​​afar meelood meel ka mid ah ama 330,000 oo caruur ah ay soo wajahday nafaqo darro aad u daran.

"Nolosha carruurta ayaa halis ku jirta. Haddii aan la daboolin dhaqaalaha loo baahanyahay, heerarka nafaqo-xumada ayaa kasii dari doonta, waxaana laga yaabaa in carruurta ay la kulmaan nafaqo-xumo aad u daran iyo cudurro laga hortagi karo. In ay caruur gaajo u dhintaan waxay noqon doontaa khasaare soo gaatay bini'aadamka," ayay tiri Angela Kearney. Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya "Wax ka qabashada tilmaamayaasha la xiriira abaarta hadda waxay si weyn u kordhin doontaa fursadaha mustaqbalka ee ilmaha."

Gaabiska ka jira Maalgelinta Gargaarka

Wax ka qabashada abaaraha ayaa ah mid aad u yar oo dhaqaale la’aan ah, taasoo keentay in dad badan oo Soomaaliyeed ay waayaan gargaar. Qorshaha wax ka qabashada gargaarka bini'aadantinimo ee 2022 oo lagu raadinayo US$1.5 bilyan ayaa kaliya 4.4 boqolkiiba dhaqaalahii la helay, iyadoo Soomaaliya ay dhaqaale la qeybsato xaaladaha degdegga ah ee kale ee caalamiga ah.

Iyadoo dhibaatada gaajada iyo nafaqadarida ay si degdeg ah uga sii darayso, farqiga u dhexeeya haqab-beelka cuntada iyo dhaqalaha la heli karo ayaa sii kordhaya. Dhaqaale la'aanta Hay'adaha Qaramada Midoobay, Sanduuqa iyo Barnaamijyada si ay u daboolaan baahiyaha sii kordhaya waxay la macno tahay in mudnaanta la siiyo baahiyaha bani'aadamnimada iyo qaadashada go'aanka adag ee cidda caawimo helaysa iyo cidda aan helin.

"Waxaan dhab ahaan ku dhawaanaynaa inaan ka qaadno cuntada dadka gaajaysan si aan u quudino kuwa kale ee gaajada u dhimanaya," ayuu yiri wakiilka WFP ee Soomaaliya ahna agaasimaha El-Khidir Daloum. “In lagu khasbo in aan mudnaanta koowaad siinno dhaqaalaheena xaddidan ma imaan karto waqti ka sii xun maadaama aan qarka u saaranahay masiibo bini'aadantinimo oo ka jirta Soomaaliya. Sannadkan waa sannad baahiyo bini'aadantinimo iyo gaajo aan hore loo arag, sidaas darteed, waxaan adduunka ka codsanayaa in aanay Soomaaliya dhabarka u jeedin ama sugin inta ay goori goor tahay. Malaayiin qof ayaa halis ku jira.”

Xaalad Macluul Daran

Marka loo eego falanqeyn ay dhawaan sameeyeen Waaxda Falanqaynta Sugnaanta Cuntada ee FAO (FSNAU) iyo hawl-wadeenada farsamo, saddex arrimood ayaa ka qayb qaadan doona macluusha dalka ka jirta saddexda bilood ee soo socda – baaqashada xilli roobaadka bilaha Abriil ilaa June 2022, maqnaanshaha gargaar bini'aadantinimo oo ku filan iyo isbeddelka sii kordhaya ee qiimaha cuntada. Iyada oo saadaasha roobabku ay ka hooseeyaan, maalgelin ku filan, iyo silsiladaha saadka oo caalami ah oo khalkhal galay iyo kor u kaca ku yimid qiimaha badeecadaha taas oo ay ugu wacan tahay iskahorimaadka Ukraine, Soomaaliya waxa ay wajaheysaa duufaan daran taas oo si degdeg u horseedi karta macluul.

Macaluul in lagaga dhawaaqo aag, ugu yaraan 20 boqolkiiba bulshada waxay la kulmaan xaalado xanuun badan (IPC Wajiga 5). FSNAU iyo howl-wadeenada kale ayaa aqoonsaday goobaha ay suurtagalka ah ee macluusha guud ahaan lix gobol oo kala duwan halkaas oo 5 ilaa 10 boqolkiiba dadweynaha ama ilaa 81,000 oo qof ay hore u wajaheen xaalado macluul. Xaaladdan oo kale, meelaha ay dhibaatadu saameysey waxay soo food saartay cunto yari aad u daran, nafaqo darro sare iyo dhimasho xad dhaaf ah oo ka dhalatay gaajo.

FAO, OCHA, UNICEF iyo WFP ayaa aad uga walaacsan abaaraha sii xumaanaya iyo suurtagalnimada macluul saddexda bilood ee soo socda. Iyada oo ay jirto dhaqaale yari hadda jira, saadaasha roobka oo liidata, iyo sare u kaca qiimaha cuntada ee caalamka, hay'aduhu waxa ay ku baaqayaan dhaqaale degdeg ah si kor loogu qaado gargaarka bini'aadantinimo ee guud ahaan qaybaha ugu daran ee dalka.

* * * * *

La soo xiriir:

Magaca: Will Swanson 
Jagada: Sarkaal Saree e Warfaafinta 
Xafiiska: FAO Somalia 
Iimeyl: William.swanson@fao.org(Lifaaqu waxa uu dirayaa iimeyl)
Taleefan: +254 729 806 159

Magaca: Angela Kearney
Jagada: Wakiil
Xafiiska: UNICEF Somalia 
Iimeyl: akearney@unicef.org (Lifaaqu waxa uu dirayaa iimeyl)
Taleefan: +252 618 900 281

Magaca: Anjichi, Truphosa Kodumbe
Jagada: Sarkaarka Warbixinta Beni’aadanimo iyo Xog-siinta Dadweynaha
Xafiiska: OCHA Somalia
Iimeyl: anjichi@un.org  (Lifaaqu waxa uu dirayaa iimeyl)
Taleefan: +254 722 839 182

Magaca: Petroc Wilton
Jagada: Madaxa Warfaafinta
Office: WFP Somalia
Iimeyl: petroc.wilton@wfp.org (Lifaaqu waxa uu dirayaa iimeyl)
Taleefan: +254 0110 909 484