Xilli uu Garoowe u joogay booqashadiisi ugu horreeysay ee uu Maamul Gobolleed ku tago, Ergeyga Gaarka ah waxa uu xoojiyay taageerada QM ee ay Puntland ka siiso horumarka iyo dadaalada dib u heshiisiinta

9 Jul 2019

Xilli uu Garoowe u joogay booqashadiisi ugu horreeysay ee uu Maamul Gobolleed ku tago, Ergeyga Gaarka ah waxa uu xoojiyay taageerada QM ee ay Puntland ka siiso horumarka iyo dadaalada dib u heshiisiinta

Garowe – Booqashadiisii kowaad ee uu ku tago maamul gobolleed, Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya waxa uu markale adkeeyey taageerada hay’adda aduunka ee barnaamijyada horumarka  iyo wadahadalada loo dhan yahay ee dhexmara Dowladda Federalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan waxa uu shalay booqday Garoowe, caasimadda Puntand, Dowlad Gobolleedka ka tirsan Dowladda Federalka oo dhacda dhanka  Waqooyi-Bari ee dalka si uu ula kulmo Madaxweyne Siciid Cabdullahi Dani si ay uga wahadalnaan barnaamijyada iyo dhaq dhaqaaqyada waa weyn ee QM.

Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan soo booqday Puntland kaddbna aan kulan mira-dhal ah la qaatay Madaxweyne Siciid Cabdullahi Dani iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirada,” ayuu yiri Mudane Swan, kaas oo sidoo kale ah madaxa Hawlgalka Kaalmada QM ee Soomaaliya (UNSOM).

Qoyska QM waxa ay ka wadaan Puntland tiro dhaq dhaqaaqyo ah, kuwaas oo isugu jira xafiisyo wanaagsan oo si deg deg ah uga jawaabo kaalmooyinka gargaarka ilaa iyo

“Waxaan quurdareyneynaa in aan si dhaw ula shaqeyno bulshada Puntand iyo maamulkeeda si aan si wanaagsan ugu fulino waajibaadka UNSOM iyo barnaamijyada hay’adaha QM, kuwaas oo ay ka mid yihiin daalada lagu taageerayo wadahadallo loo dhan yahay oo dhexmara Dowladda Federalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah,” ayuu xusay Mudane Swan.

Waxa uu sidoo kale xusay in si nabad ah lagu xalliyo muranka u dhexeeya Puntland iyo Somaliland ee la xiriira gobollada Sool iyo Sanaag, murankaas oo bilihii u dambeeyey horseeday isku dhacyo kooban ka dhacay nawaaxiga Tukaraq.

Intii lagu guda jiray shirkii jaraa’id ee wadajirka ahaa, Madaxeyne Dani waxa uu daaha ka qaaday in ay Ergeyga ka wadahadleen horumarka, arrimaha bani’aadannimada, amniga iyo siyaasadda.

 “Waxaan tixgalin siinay arrimaha ahmiyadda gaarka ah leh ilaa iyo geeddi socodka nabadda iyo dadaaladda dib loogu dhisayo, laguna horumarinayo dowladnimada Soomaaliya, iyo waliba sare u qaadidda federaaleynta,” waxaa sidaas yiri Madaxweyne Dani. Waxa uu intaas ku daray in Puntland in ay door muhiim ah ka ciyaarto nabadeynta Soomaaliya.

 

 “Waxaan cadeynay in aan diyaar u nahay in aan doorkeenna ka ciyaarno sidii Soomaaliya hore loogu sii wadi lahaa,” ayuu hoosta ka xarriiqay Madaxweyne Dani.

Madaxweyne Dani waxa uu sidoo kale ammaanay doorashada Ergeyga QM ee Soomaaliya in uu Puntland ka dhigto jihadiisii ugu horreysay ee ka baxsan Muqdisho.

Ergeyga Gaarka ah ee QM waxa uu sidoo kale la kulmay shaqaalaha QM ee ku sugan Garoowe waxa uuna bogaadiyey sida ay uga go’an tahay taageeridda Soomaaliya iyo horumarinta noloshada bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Swan waxaa booqashada ku weheliyey Agaasimaha dalka ee Barnaamijka Cuntada Aduunka, Laurent Bukera iyo madaxa xafiiska QM ee Isku Xrika Arrimaha Bani’aadannimo Justin Brady.

Intii uu Puntland ku sugnaa, waxa uu sidoo kale booqday mashruuca ay taageerto WFP ee Laac-dheere kaas oo ujeedkiisu yahay in sare loogu qaado adkeysiga iy noloshada bulshada deegaanka. Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomalaia waxa uu booqday beeraha deegaanka halkaas oo kanaalada korontada ka hela Soolarka ay sare u qaadeen wax-soosaarka qudaarta iyo miraha ee Iskaashaada Beeraleyda deegaanka.