Walxaha Qarxa ayaa weli dhibaato weyn ku haya dadka rayidka ah ee ku sugan Soomaaliya

4 Apr 2018

Walxaha Qarxa ayaa weli dhibaato weyn ku haya dadka rayidka ah ee ku sugan Soomaaliya

Muqdisho – Xilli la xusayay Maalinta Adduunka ee Wacyiga Miinooyinka iyo Wax ka Qabashada Miinooyinka, ayaa mas’uul sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay halista ay walxaha qarxa ku hayaan dadka rayidka ah ee ku sugan dalka.

Mar uu hadal ka jeediyay munaasabadda ka dhacay caasimadda Soomaaliya ayuu Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya, Peter de Clercq, shaaciyay halista ay miinooyinka dhulka lagu aaso iyo haraaga walxaha qarxa ay ku hayaan carruurta.

“Sanad kastaba, 75 carruur ayaa ku dhintaa miinooyinka iyo haraaga walxaha qarxa. Saameynta ay hab-nololeedka ku leeyihiinna waa mid aad u daran,” ayuu yiri Mudane de Clercq.

“Dad badan ayaa ku dhintaa walxahan qarxa ee lagu aasay waddooyinka iyo magaalooyinka Soomaaliya,” ayuu raaciyay.

Sanado badan oo ay Soomaaliya dagaallo ka socdeen ayaa waxaa ay sababeen in ay aad u bataan haraaga qaraxyada dagaallada loo adeegsaday iyo miinooyinka dhulka, iyo sidoo kale in uu sare u kaco isticmaalka walxaha qaraxa ee macmalka ah kaas oo ah kan dhibaatada ugu weyn ku hayso nolosha dadka ku sugan dalkan ku yaalla Geeska Afrika, oo horseeday dhimashada iyo dhaawaca in ka badan 1,400 oo dad rayid ah sanadkii la soo dhaafay, sida laga soo xigtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Wax ka Qabashada Miinooyinka.

In ka badan 900 oo qof ayaa ku dhintay misna ku dhaawacmay qaraxii saameynta badnaa ee ka dhacay Muqdisho 14-kii Oktoobar 2017, kaas oo Mudane de Clercq ku tilmaamay mid ka mid qaraxyada abid ‘ugu darnaa’ Afrika.

Mowduuca munaasabadda sanadkan ayaa ah, “kaalinta wax ka qabashada miinooyinka ku aaddan ilaalinta, nabadda iyo horumarka,” waxaana uu hoosta ka xarriiqaya caqabadaha ay walxaha qarxa, miinooyinka dhulka lagu aaso iyo qaraxyada aan weli qarxin ku hayaan koboca dhaqaalaha iyo horumarka dalka.

“Xoojinta barnaamijka wax ka qabashada miinooyinka waxaa ay kaalin lixaad leh ka ciyaari kartaa in ay shaqo ka abuuraan miyiga iyo horumarinta hab-nololeedka iyada oo waddooyinka laga dhigayo kuwo la mari karo, iyo in la suurtageliyo dhaqdhaqaaqa dadka iyo badeecooyinka,” ayuu Mudane de Clercq, oo sidoo kale Isku Duwaha Arrimaha Bani’aaddinimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ku yiri dadkii ka qaybgalay munaasabadda oo ay ka mid ahaayeen wakiilladda maamullada Soomaaliya, bulshada rayidka iyo beesha caalamka.

Madaxa UNMAS ee Soomaaliya, Alan MacDonald oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la saaro dhammaan qaraxyada aan weli qarxin iyo miinooyinka, kuwaas oo inta badan loo adeegsado in lagu sameeyo walxaha qarxa ee macmalka ah.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maareynta Walxaha Qarxa, Cabdulqaadir Cabdulle Xooshow, oo khudbad ka jeediyay goobta ayaa deeq-bixiyeyaasha ugu baaqay in ay gacan ka geystaan barnaamijyada lagu nadiifinayo miinooyinka dalka yaal. Waxaa uu sheegay in hay’addiisu ay diyaarisay qorshaha wax ka qabashada miinooyinka si loo hago barnaamijyada nadiifinta miinooyinka ee seddaxda sano ee soo socota.

“Ma jiro maalgelin sax ah ee ku wajahan dadaallada lagu nadiifinayo miinooyinka Soomaaliya, waxaana aad u  hooseeya wada shaqeynta daneeyayaasha. Sidoo kale waxaa hooseeya maalgelinta caalamiga ah ee ku aaddan barnaamijyada lagu nadiifinayo miinooyinka dhulka, iyo sidoo kale tababar xumi,” ayuu yiri Mudane Xooshow. 

Markii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ku dhawaaqay in 4-ta Abriil ee sanad waliba ay tahay Maalinta Adduunka ee Wacyiga Miinooyinka iyo Wax ka Qabashada Miinooyinka sanadkii 2005-tii, waxaa uu sidoo kale ku baaqay in la sameeyo dadaal joogta ah, iyada oo lala kaashanayo Qaramada Midoobay iyo hay’adaha ay khuseyso, si loo xoojiyo loona horumariyo awoodda wax ka qabashada miinooyinka ee dalalka ay miinooyinka iyo haraaga qaraxyada dagaallada ay halis weyn ku hayaan dadka rayidka ah, amaba caqabad ay ku yihiin horumarka bulshada iyo koboca dhaqaalaha, heer qar iyo heer deegaanba. 

Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay waddamada saxiixay Heshiiska Mamnuucidda Isticmaalka, Kaydinta, Soo Saarista, iyo Wareejinta Miinooyinka loogu qasday in dadka lagu laayo, kaas oo u baahan in dalalka ay burburiyaan dhammaan miinooyinkaas meesha lagu gaaro Oktoobar 2022.