29 Jan 2016 - WAR-SAXAAFADEED 03/2016
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku ammaanay sida ay uga qaybgashay hanaanka Dibueegidda Caalamiga ah ee Xilliyaysan, ee la qabtay intii uu socday kalfadhiga 24aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay 22kii iyo 26kii Janaayo 2016.
24 Nov 2015 - Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa maanta sheegay inuu aad uga walaacsanyahay xariga sharci darrada ah ee loo geystay Md. Jaamac Deberani, oo ah wariye wararka u soo tebiya Telefishinka Somali Channel TV ee gaarka loo leeyahay ee 9kii November lagu xiray magaalada Garoowe.
04 Oct 2015 - Muqdisho – Ergayga- gaarka ah ee Xoghayaha Guudd ee Qaramada Midoobay, Nikolas Kay ayaa cambaareeyay xariga laba wariye ee telefishinka Universal iyo sida xooga leh ee loo xiray xafiiska Telefishinka Universal ee Muqdisho 02 Oktoober 2015.
01 Sep 2015 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabislan Soomaaliya, Nikolas Kay, ayaa si adag u cambaareeyay weerarkii maanta ay xagjiriinta Al-shabaab ku qaadeen saldhigga AMISOM ee ku yaalla deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo ay maamulaan ciidamado ka tirsan kuwa Uganda.