BAYAANAADKA SAXAAFADDA
-
12 Aug 2021 - 302,400 oo talaalka halka mar ah ee Johnson & Johson oo Dowladda Mareykanka ugu deeqday Soomaaliya oo soo gaaray dalka.
-
20 Jul 2021 - Muqdisho – Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay dhammaan Soomaalida u rajaynayaan “Ciid Wanaagsan.” “Hambalyo diirran oo ku aaddan Ciidul Adxaa ayaa idin kaga imaanaysa bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,” ayuu yiri James Swan, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya.
-
05 Jul 2021 - Muqdisho – Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya* waxa ay soo dhaweynayaan shirkii guusha ku soo dhammaaday ee Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhacay 29kii Juunyo, waxa ayna ku bogaadinayaan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Dowlad-Goboleedyada doodihii wax ku oolka ahaa ee ay yeesheen .
-
01 Jul 2021 - Muqdisho – Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey sanadguurada madaxbanaanida dalkooda.
-
19 Jun 2021 - Muqdisho – Intii lagu gudo jiray Maalinta Caalamiga ah ee Dabargoynta Xadgudubyada Jinsiga ee ka dhaca goobaha ay dagaalladu ka socdaan, ayuu ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya amaanay dadka kasoo kabanaya dhibaatooyinka la xiriira kufsiga, wuxuuna si qoto dheer u baraarujiyey dadka ka shaqeeya kahortagga dhibaatooyinka noocaan ah isla markaana garab taagan dadka dhibaatooyinkaa ka soo kabanaya. Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr.
-
27 May 2021 - New York – Xoghayaha-Guud wuxuu soo dhoweynayaa heshiiska madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay ka gaareen hirgelinta Hanaanka doorashada ee 17kii Sebtembar, heshiiskaas oo ah natiijadii kasoo baxday shirkii uu garwadeenka ka ahaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
-
27 May 2021 - Muqdisho – Saaxiibada Beesha Caalamka * ee Soomaaliya waxay soo dhoweynayaan shirweynaha Dowladda Federaaalka Soomaaliya – Dowlada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (DFS-DXDF) ee guusha ku soo idlaaday magaalada Muqdisho.
-
20 May 2021 - Muqdisho – Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay u arkaan shir-madaxeedka soo socda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya – Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DFS-DGXDF) ee ka dhacaya magaalada Muqdisho in uu yahay fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin si loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya.
-
08 May 2021 - New York – Xoghayaha Guud wuxuu soo dhaweynayaa magacaabista Mudane John Dramani Mahama oo u dhashay Dalka Ghana ah inuu noqdo Wakiilka Sare ee Midowga Afrika ee Soomaaliya wuxuuna muujiyay taageerada buuxda ee Qaramada Midoobay ee ku aaddan dadaalkan Midowga Afrika.
-
03 May 2021 - Muqdisho – Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka awgeed, ayaa Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, wuxuu mar kale xaqiijiyay muhiimadda uu leeyahay dabaaldeggan sannadlaha ah, maadaama uu fursad u yahay horumarinta mabaadi’da xorriyadda saxaafadda, laguna xuso saxafiyiintii naftooda ku waayey iyagoo ku guda jira gudashada waajibaadkooda shaqo.