03 Aug 2015 - Muqdisho – Qaramada Midoobay, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Ergada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Dowladda Maraykanka iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, waxay soo wada dhoweynayaan ballanqaadyadii lagu sameeyay shirki Madasha Wadatashiga Heerka Saree ee ka dhacday Muqdisho. Soddon iyo Laba wufuud ayaa ka qayb gashay shirkaas taariikhiga ahaa, kaas oo ahaa shirkii ugu ballaarnaa ee caalamiga ahaa oo ka dhaca Soomaaliya muddo tobaneeyo sano ah.
28 Jul 2015 - Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Nicholas Kay, ayaa beri si wadajir ah u guddoomin doona shirkii ugu horeeyay ee heer wasiir ah ee Madasha Waddamada iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya oo ka dhici doona magaalada Muqdisho.
26 Jul 2015 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa cambaareeyay weerarkii argagaxiso ee maanta lala beegsaday Hoteelka Jazeera ee magaalada Muqdisho oo sababay khasaare dhowr ah oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
23 Jul 2015 - Cadaado – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay caleemasaarka Madaxweynaha Maamulka Ku-Meelgaarka Galmudug (MKGG), Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed.
20 Jul 2015 - Muqdisho – Ku Xigeenka Cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (DSRSG), Md. Peter de Clercq ee u dhashay dalka Netherlands, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho si uu xilkiisa uga billaabo Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM). Wuxuu sidoo kale noqon doonaa Isuduwaha Gargaarka Baniaadanimo iyo Wakiilka Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Horumarinta (UNDP) u Jooga Soomaaliya.
16 Jul 2015 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, (SRSG) Nicholas Kay, ayaa salaan kal iyo lab ah oo ku aaddan munaasabadda Ciidda Soonfurka (Ciidul Fitriga) u diray dadka Soomaaliyeed.
11 Jul 2015 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii argagaxiso ee shaley lagu qaaday goob fariisin u ah AMISOM iyo laba hoteel oo ku yaalla magaalada Muqdisho kaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah, xubno ka tirsan ciidamada amaanka, ciidamo ka tirsan AMISOM iyo saraakiil Dowladda ka tirsan. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarrada.
06 Jul 2015 - Muqdisho – Ergayga-gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Soomaalia, Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay ansaxinta uu baarlamaanka Federaalka ansixiyay, sagaalka xubnood ee Guddiga Maddax Banaan ee Dooroshooyinka Qaranka.
05 Jul 2015 - Muqdisho – Qaramada Midoobay, Urur-goboleedka (IGAD), Ururka Midowga Yurub,(EU) iyo Ergada Ururka Midowga Afrika ee joogta Soomaaliya (AMISOM), Iyo Dowladda Maraykanka ayaa soo wada dhoweeyay sida guusha leh ee maanta loogu soo gebagebeeyay doorashooyinka Maamulka Ku-meelgaarka loogu samaynayay Galmudug, (Bulshada caalamka) waxaa kale ee ay hambalyo udireen Madaxwaynaha Cusub ee la doortaty, Mr. Cabdikarim Xuseen Guuleed iyo Madaxwayne Ku-xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi.
04 Jul 2015 - Muqdisho – Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa hambalyo u diray dadka Soomaaliyeed iyo Dowladooduba, taas oo ku beegan 55 Guurada Madaxbanaanidooda. Wuxuu ammanay dadaalka ay wadaan dadka Soomaaliyeed, kaas oo ay xalinayaan labaatameeyo sanno oo degenaansho la’aan ah, iyo horumarka hadda ka socda (dalka) kaas oo lagu soocelinayo nabadda, laguna dhisayo Qarannimadaba.