BAYAANAADKA SAXAAFADDA
-
02 Jan 2017 - WAR-SAXAAFADEED 01/2017
-
27 Dec 2016 - Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Belgium, Talyaaniga, Netherlands, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Inigiriiska iyo Dowladda Maraykanka ayaa aad uga walaacsan go’aano dhowr ah oo ay ku dhawaaqday Madasha Hogaanka Qaran (MHQ) kuna soo saartay war-murtiyeedkeedii ku-taariikheysnaa 24 Disembar 2016.
-
24 Dec 2016 - WAR-SAXAAFADEED 32/2016 Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa walaac daran ka muujiyay colaadda ka soo cusboonaatay magaalada Gaalkacyo 23kii Diseembar taas oo sababtay dhimashada ugu yaraan saddex qof iyo dhaawacyada dad kale oo badan. Wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay xurmeeyaan heshiiska xabbad-joojinta.
-
21 Dec 2016 - Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Inigiriiska iyo Dowladda Maraykanka waxay si dhow ula socdeen hawlaha Guddiga Madaxabanaan ee Xallinta Khilaafaadka Doorashada (GMXKhD) iyagoo tixgelinaya warbixinada tirade badan ee kusaabsan wax isdabamarino halis ah oo dhacay intii lagu guda jiray geedi-socodka doorashada, waxaana kamid ah laaluush, caga-juglayn, af-duub, ku-feegaarid li
-
11 Dec 2016 - Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Inigiriiska iyo Dowladda Maraykanka ayaa aad uga walaacsan codeyn shalay ka dhacday magaalada Jowhar, caasimadda ku meelgaarka ah ee HirShabelle ee loo qabtay kursi Golaha Shacabka ee uu ku guuleystay musharax laga reebay tartanka.
-
11 Dec 2016 - WAR-SAXAAFADEED 31/2016 Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa sida ugu kulul ee suurtagal ah u cambaareeyay weerarki argagixiso ee saaka ka dhacay banaanka hore ee dekedda magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Dhibanayaasha intooda badan waxay ahaayeen dad rayid ah.
-
19 Nov 2016 - WAR-SAXAAFADEED 30/2016
-
16 Nov 2016 - WAR-SAXAAFADEED 29/2016 Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa shalay dib u billaabay wadahadalkooda ku aaddan hirgelinta xabbadjoojinta magaalada lagu muransanyahay ee Gaalkacyo iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Ra’iisal Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wakiillo ka socday Beesha Caalamka.
-
13 Nov 2016 - WAR-SAXAAFADEED 28/2016 Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ee Puntland iyo Madaxweyne Cabdikarim Xuseen Guuleed ee Galmudug ayaa shalay ku kulmay magaalada Gaalkacyo si ay mar kale u ballan-qaadaan xabadjoojin laga gaaro magaalada lagu muransanyahay, iyadoo wadahadaladaasi uu garwadeen ka ahaa Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
-
07 Nov 2016 - WAR-SAXAAFADEED 27/2016 Qaramada Midoobay waxay aad uga walaacsantahay burburkii dhowaan ku yimid xabadjoojintii Gaalkacyo, iyo fashilka sii socda ee maamulada Puntland iyo Galmudug ee ku aaddan dhaqangelinta heshiisyada, oo ay ka midyihiin heshiiskii la saxiixay 2 Disembar 2015 iyo mid kale oo mar kale la saxiixay 1 Nofembar 2016.