22 Apr 2015 - Muqdisho – Qaramada Midoobay, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub (EU), Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Dowladda Maraykanka iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska waxay soo dhoweynayaan dhisidda baarlamaan goboleedka Jubba. Waxaan ku baaqaynaa in wadaxaajood dheeraad ah la yeesho si loo xaqiijiyo in dhammaan qabiillada, beelaha iyo kooxaha laga tirada badanyahay ee gobollada Jubbooyinka ka soo jeeda ay dareemaan inay qayb ku leeyihiin oo loogu jiro.
20 Apr 2015 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaalia, Nicholas Kay, ayaa caddeeyay sida uu uga carooday weerarkii argagaxiso ee maanta ee keenay dhimashada afar ka mid ah shaqaalaha UNICEF iyo labo waardiye. Dhowr kalena waa lagu dhaawacay.
28 Mar 2015 - Muqdisho – Ergayga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Middobay u Qaabilsan Soomaaliya SRSG Nikolas Kay ayaa aad u cambaareeyay weerarkii argagixisinimo ee shalay lagu qaaday Hoteel ku yaala caasimada Mugdisho, weerarkaas oo sababay in ay dad badan oo rayidah ku dhintaan sida Xog-hayihii Joogtida ahaa ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed u fadhiyay Xarunta Qaramada Midoobay ee Jeneva, Mudane Yusuf Bari- Bari.
03 Mar 2015 - Muqdisho – Ayagoo ka hadlaayay munaasabad heerkeedu sareeyo oo looga hadlaayay xadgudubyada galmada kusaleysan ee ka jirta soomaaliya, ayaa wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas kay iyo wakiilka gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya SRCC, Maman S Sidikou waxay si wadajir ah u dalbadeen in talaabo dheeri ah laqaado si loo badbaadiyo haweenka iyo gabdhaha soomaaliyeed.
20 Feb 2015 - Muqdisho – Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaablisan Soomaaliya, Nikolas Kay, ayaa si kulu u cambaareeyay weerarkii maanta lagu qaaday Hoteelka Central- Dhexe- ee ku yaala Muqdisho, weerarkaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo ay ku jiraan saraakiil sar sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed. Al-shabab a yaana sheegatay weerarka.