20 Jan 2015 - Muqdisho – Qaramada Midoobay, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo Dowladda Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ayaa soo dhoweeyay daahfuridda hanaanka soo xulidda Golaha Baarlamaan-Goboleedka Maamulka Ku Meelgaarka ee Jubba (IJA), iyagoo ugu baaqay madaxda maamulka inay xaqiijiyaan in dhammaan beeluhu ay golaha ka helaan wakiillo metela.
20 Jan 2015 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG), Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay in Soomaaliya ay xubin ka noqotay Heshiiska QM ee Xuquuqda Carruurta (CRC) taasoo ka dhacday xaflad uu hogaaminayay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo lagu qabtay dugsi ku yaalla magaalada Muqdisho.
06 Dec 2014 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa cambaareeyay weerarradii argagaxisada ahaa ee shaley ka dhacay magaalada Baydhabo oo laga cabsi qabo inay ku dhinteen ugu yaraan shan iyo toban (15) qof ayna dhaawaceen dad intaa ka badan.
03 Dec 2014 - Baydhabo – Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay caleema-saarka Shariif Xasan Sheekh Aadan loogu caleema-saaray hogaanka Maamulka dhowaan la dhisay ee Kumeelgaarka ee Koonfur Galbeed (ISWA). Isagoo ka hadlaya xaflad lagu qabtay magaalada Baydhaba ayuu SRSG Kay yiri, “Waxaan ugu hambalyeeynayaa Shariif Xasan Sheekh Aadan caleema-saarka la caleema saaray.
17 Nov 2014 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa walaac ka muujiyay rabshadii dhacday 15ka November xilligii laysku diyaarinayey doorashada baarlamaanka ee Soomaaliland. Waxaa jiray warbixinno sheegaya inay dhici karto in la xiray qaar kamid ah xubnaha baarlamaanka iyo in rabshaddu ay ka dhasheen khasaarooyin dhowr ah. [WARSAXAAFADEED]