Booqasho uu ku wehliyey Ergeyga Abaaraha, ayuu Isku-Duwaha Gargaarka Bini’aadannimada ka digay xaalad abaar oo aad u daran

31 May 2022

Booqasho uu ku wehliyey Ergeyga Abaaraha, ayuu Isku-Duwaha Gargaarka Bini’aadannimada ka digay xaalad abaar oo aad u daran

Baydhaba– Isagoo ku wehlinaya ergayga cusub ee madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay abaaraha oo booqashadiisii ​​ugu horreysay maanta ku tagay goobaha abaartu saameysay, sarkaalka ugu sarreeya Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini'aadannimada ee Geeska Afrika ayaa ka digay raja beel xun oo ku dhacda malaayiin Soomaali ah oo ay saamaysay abaarta iyadoo ay sii kordhayso khatarta macluusha. 

“Xaaladda ayaa ah mid aad u daran: 7.1 milyan oo dad ah ayay saameyn doontaa xaaladan abaareed marka la gaaro dhammaadka sanadkan,” ayuu yiri Isuduwaha Arrimaha Bini’aadannimadda, Adam Abdelmoula.

"Nasiib darro, ku dhowaad 1.4 milyan oo carruur ah ayaa sanadkan wajahaya nafaqo-darro ba'an, 330,000 ka mid ahna waxay u badan tahay in xaaladdooda nafaqo-darro ay ka sii dari doonto,” ayuu raaciyay.

Marka ay dhamaato bisha Maajo, si ku qoran warbixin dhawaaan uu soo saarey Xafiiska Qaramada Midoobey u Qaabilsan Isku-dubaridka Gargaarka Bini’aadannimo (OCHA), tiro dhan 6.1 milyan oo Soomaali ah ayaa ku waxyeeloobey xaalada abaareed ee deg dega ah. 771,400 oo ka mid ah dadkaas ayaa deegaanadooda ka soo barakacay deegaanadooda iyagoo baadigoobaya biyo, cunno iyo cows; inta badan dadkaas waa haween iyo carruur. Saadaasha mustaqbalka ayaa ka sii dartay.

Mr. Abdelmoula ayaa dadka kula hadlay kaamka barakacayaasha ee ADC ee ku yaala magaalada Baydhaba ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Waxa uu wehlinayey ergayga Soomaaliya ee arrimaha abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo uu madaxweynaha Soomaaliya magacaabey dhammaadka bisha Maajo oo booqasho ku tagay kaam barakacayaal ku noolyihiin.

Majiro Roob Nagu Filan 

Hay’adda OCHA waxay sheegtay in intii lagu guda jiray Abriil ilaa bartamihii bishii Maajo ee sanadkan roobab fashiiq ah ilaa iyo mid dhexdhexaad ah ay ka da’een qeybo ka mid ah koonfurta, bartamaha iyo waqooyi-galbeed Soomaaliya, waxaana meelaha ka mid ah wadanka ka dhacay dabeylo iyo daadad.

Laakiin roobka ayaa ahaa mid ka yar celceliska intii laga rabay, si fudud oo aan ku filnayn ku maray taas oo aan waxba ka qaban yareenta xaaladaha abaareed ee hadda jira. 

Roobabka oo yaraaday awgeed, Soomaaliya waxa ay wajahday xilli-roobaadkii afraad oo xiriir ah oo uu roob ku filan di’in, waxaana sare u kacay khatarta macluusha gudaha lix goobood – oo ay ku jiraan deegaano ka tirsan maamul goboleedka Koonfur Galbeed – gaar ahaan haddii qiimaha cunnada uu sare u kaco iyo gargaarka bini’aadannimo ee aan la joogteyn si loo gaarsiiyo dadka aadka u nugul.

Intaa waxaa dheer, xilli-roobaadka soo socda ayaa la saadaalinayaa inuu ka hoos maro celceliska, taasoo ka dhigsn in xaaladda degdegga ah ee abaartu ay ka sii dari doonto. Maadaama uu dalku wajahayo khatarta macluul ee lixdaas goobood, hay'adaha samafalka waxay ka gudbayaan ujeeddada hawlahooda ka hortagga abaarta iyagoo u beddelaaya ka-hortagga macluusha, dib-u-habeyna ku sameyn doona ka gurmadkooda si loo caawiyo dadka aadka u nugul iyo dejinta qorshe looga hortagayo macluusha.

Baydhaba oo ka mid ah meelaha ay abaarta sida ba’an ugu dhufatay

Degmada Baydhaba ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah deegaanada ay sida ba’an u saameysay abaarta haatan ka jirta Soomaaliya.

Tan iyo billowgii sannadkan, 230,000 oo qof ayaa ku barakacay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Gobolka Baay ayey ku sugan yihiin tirada ugu badan ee dadka la kulmaya sugnaan la’aan cunto oo aad u daran. Tani waxaa u sii dheer heerka nafaqo-darrada oo sarreeya, gaar ahaan xeryaha barakacayaasha Baydhaba. Tan iyo bishii Maarso, xaaladaha shuban biyoodka ayaa soo kordhayey, iyadoo isugeyn wadar ahaan 2,279 xaaladood, oo ay ku jiraan 11 dhimasho ah, la soo wariyay tan iyo bishii Jannaayo ee sannadkan.

"Waxaan halkan u joogaa inaan abaabulo, intii suurtogal ah, kheyraadka, iyo in aan isku-dubbarrido dadaalka kaalmada bani'aadamnimo. Baydhaba waa halka ay dhawaanahan soo gaarayeen dadka ay sida aadka ah u saameysay abaarta  – in ku dhow ​​kala bar dadka ay abaaraha soo barakaciyeen ayaa ku sugan halkan, Baydhaba,” ayuu yiri Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku sugan xerada ‘ADC’. "Waxaan ugu baaqaynaa beesha caalamka inay laba laabaan dadaalkooda, oo ay dadka Soomaaliyeed taageeraan waqtigan adag."

 Mudane Abdelmoula, oo sidoo kale ah ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Isku-Duwaha Qaramada Midoobay, ayaa xusay in hay'adda adduunka iyo saaxiibadeeda ay keliya qaban karaan ilaa xad haddii la helin kheyraad badan.

Maalgelinta Qorshaha Waxqabadka Bani'aadamnimo ee Soomaaliya ee sanadkan, kaas oo raadinaya qiyaastii $1.5 bilyan si loo caawiyo 5.5 milyan oo ka mid ah dadka ugu nugul ee Soomaaliyeed, ayaa weli hooseeya 15.7 boqolkiiba laga soo billaabo 20-ka Maajo.

 "Iyada oo kheyraadka xadidan ee aan haysanno, waxaan soo awoodnay oo keliya, inta u dhexeysa bilaha Jannaayo iyo Abriil, inaan gaarno 2.4 milyan oo ka mid ah dhammaan kuwa u baahan gargaarka bani'aadamnimo," ayuu yiri Isu-duwaha Arrimaha Bani'aadamnimada.

Ergayga Gaarka ah iyo Isku-Duwaha Gargaarka Bani'aadminimo waxa ay ku talo jiraan in ay booqashooyin kale oo wadajir ah ku tagaan goobo kale mustaqbalka dhow.