Shacabka Puntland oo beesha caalamka la wadaagay aragtidooda ku aaddan hanaanka doorasho

11 Feb 2016

Shacabka Puntland oo beesha caalamka la wadaagay aragtidooda ku aaddan hanaanka doorasho

Wefdi caalami ah ayaa maanta soo gabagabeeyay booqasho sadex maalmood qaadatay oo uu ku tagay dowlad goboleedka federal Puntland. Wefdigu wuxuu ka koobnaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, iyo wakiillo sare oo ka kala socda Midowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Dowladda Itoobiya, Dowladda Talyaaniga, Dowladda Sweden, Dowladda Uganda, Dowladda Maraykanka, iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska. 

Intii ay halkaas ku sugnaayeen, wefdigu wuxuu la kulmay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas”, xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, Guddoomiyaha iyo Xubno ka tirsan Baarlamaanka Puntland, madax dhaqameedyo iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka, iyo kuwo kale. 

Wefdigu wuxuu soo dhoweeyay dowrka muhimka ah ee madaxda siyaasadda dowlad goboleedka iyo kaalinta aan caadiga ahayn ee ay ka qaateen soo if-bixidda Soomaaliya oo midaysan, oo federaal ah. 

Wakiilada Puntland waxay walaac ka muujiyeen go’aanki ay dhowaan soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan nooca doorasho ee la dhaqangelinayo dhammaadka sanadkan.

Xubnaha wefdiga caalamiga ah ayaa garwaaqsadeen in nooca doorasho ee 2016 aanu ahayn mid dhammeystiran oo buuxa laakiin waxay sheegeen haddii ay doorashu u dhacdo si caddaalad ah oo daah-furan, waxay ka dhigantahay tallaabo horay loogu qaaday waddadii loo mari lahaa doorashooyin qof-iyo-codkiisa ah oo loo wada dhanyahay oo la qabto sanadka 2020.  

Saaxiibada beesha caalamku waxay carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in laga gudbo matalaadda ku salaysan qabiilka iyo in la horumariyo hanaanka demoqoraadiyaynta Soomaaliya. Waxay ballanqaadeen inay taageeraan khariidad siyaasadeed oo lagu gaarayo yididiilada dadka Soomaaliyeed ee ku aaddan yoalkan.   

Xubnaha wefdigu waxay qireen horumarka Puntland ay ka gaartay horumarinta xasilloonida siyaasadeed iyo midda amniga iyo gacanta ay ka geysatay soo if-bixidda Soomaaliya oo federaal ah. Waxay sheegeen inay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya xilligan muhiimka ah ee kala-guurka siyaasadeed iyo guud ahaan hanaanka dhismaha nabadaynta iyo dowlad-dhisidda.