Jump to navigation
All UN missions
Xaflad lugu maamuusayey xuska Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka oo ka dhacday magaalada baydhaba ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa guddoomiyey Madaxweyne Shariif Sheekh Aaden.
Soomaaliya ayaa ku biirtay dunida inteeda kale xuska maalinta haweenka adduunka. Maalintan ayaa laga xusay dalka oo dhan, iyadoo xaflado ka dhacay Muqdisho, Kismaayo, Baydhaba iyo Puntland ay soo jiiteen isku soo baxyo ballaaran.
Wajiga 1-aad ee dhismaha Xarun cusub oo ay yeelanayaan Ciidanka Booliska iyo maxkamadda Muqdisho ayaa maanta caasimadda ka billowday.
Hoggaanka Maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa taageero u muujiyey hannaanka doorashada 2016 ee ay bishii hore soo jeedisey dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Shaqaalaha tuutaha leh ee ka tirsan Hawgalka Taakuleynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM), ayaa maanta la guddoonsiiyey billado iyo shahaado sharafeed lugu garowsanayo hawshii ay qabteen.
Muqdisho, 11 Febraayo 2016 – Kulan aqoon isweydaarsi ah oo looga hadlayey horumarinta qaab-dhismeed istaraatijiyadda federaalka ayaa 9-kii Febraayo lugu qabtay caasimadda Soomaaliya.
Muqdisho, 11 Febraayo 2016 – Lataliyaha arrimaha barakacayaasha ee Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Walter Käelin, ayaa ku baaqay in la helo hab cusub oo loo wajaho kaalmada bini’aadamnimada, si wax looga qabto dhibaatooyinka haysta dadka bar
Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey (Q.M) u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa soo dhaweeyey aqbalaadda hoggaanka Jubbaland ee hannaanka doorashada 2016-ka ee ay soo jeedisey Dowladda Soomaaliya.
Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha siyaaadda, Jeffrey Feltman ayaa maanta booqasho ku yimid Soomaaliya, wuxuuna kulan la qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Addis Ababa – Michael Keating, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud (WGXG) ee islamarkaana ah madaxa hawlgalka QM ee Soomaaliya (UNSOM), ayaa Golaha Ammaanka u xog-warramay.