Dhisme Maxkamad iyo Saldhig Boolis isugu jira oo Muqdisho laga dhagax-dhigay

18 Feb 2016

Dhisme Maxkamad iyo Saldhig Boolis isugu jira oo Muqdisho laga dhagax-dhigay

Wajiga 1-aad ee dhismaha Xarun cusub oo ay yeelanayaan Ciidanka Booliska iyo maxkamadda Muqdisho ayaa maanta caasimadda ka billowday.

Mashruucan oo la magac baxay (MPCC), waxaa dhagax dhigay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ka dib xaflad ka dhacday Muqdisho oo ay ka soo qaybgaleen Danjiraha Holland u qaabilsan Soomaaliya, Frans Makken, saraakiil sar sare oo ka kala socdey Dowladda Federaalka ah Soomaaliya (DFS) iyo Qaaramada Midoobey (QM).

Mashruuca MPCC wuxuu qayb muhiim ah ka yahay barnaamijka la dagaallanka Dambiyada Badaha Caalmka ka dhaca ee Xafiiska Qaramada Midoobey u qaashan dabargoynta Maandooriyaha iyo Dambiyada ee  UNODC, kaas oo markiisi hore la aas-aasay sannadkii 2009-kii, si loogu maxkamadeeyo burcad badeeddii ka kacday Bariga Afrika.

“Tani ma noqoneyso meel wax lugu cinqaabo oo keliya, ee waxay u shaqeyn doontaa oo kale xarun wax lugu dhaqanceliyo, si dambiileyaashu u helaan fursad ay mar kale bulshada uga mid noqdaan.

Waxaan rajeyneynaa in dhismahani uu wax weyn ka tari doono xoojinta hannaanka caddaaladda dalka iyo xakameynta xag-jirnimada”, ayuu yiri Ra’isul Wasaare Sharma’arke oo ka hadlayey munaasiabaddii dhagax-dhigga.

Dacwadaha lugu qaadayo eedeysaneyaasha khatartoodu sarreyso ayaa lugu wadaa in ay billowdaan bartmaha 2017-ka. Marka la dhammeeyo, dhismahani wuxuu hoy maxkamadaha ku ag dhow u noqonayaa eedeysaneyaal iyo maxaabiis badan, taas oo yareyneysa baahida loo qabo in maxaabiista lugu daabulo gaadiid magaalada ku dhex goosha, islamarkaana waxay meesha ka saareysaa khatarta iyaga iyo ciidanka Asluubta uga imaan karta weerarro gacan ka hadal wata .

“Dhismaha xaruntan cusub ee Muqdisho waa maalgelin ballaaran oo Q.M. ku sameysay soo celinta sharciga iyo kala dambeynta Soomaaliya.wajiga 1-aad ee dhismahan baaxadda leh waxaa qorshuhu yahay in lugu soo afmeero 12-ka bilood ee nugu soo aadden, waxayna garsooreyaasha iyo dacwad oogeyaasha u sahli doontaa in ay dacwadaha si habsami leh ugu qaadaan goobo ku habboon,” ayuu sharraxay Mr. José Vila del Castillo, oo ah wakiil goboleedka UNODC ee Bariga Afrika.

Xafiiska QM u qaabishan Adeegga Mashaariicda ee UNOPS oo la tashanaya UNODC ayaa nashqadeeyey ismarkaana kormeeraya dhisimaha MPCC oo lugu wado in uu idlaado sanadka 2018-ka. Marka uu dhammaadaa wuxuu qaadayaa xabsigu 1,000 sariirood, wuxuuna tayo ahaan la sinnaan doonaa heerarka caalamiga ah ee u degsan xaquuqda aadanaha. 3 xirmo oo qolol amnigoodu dhexeeyo ah ayaa la taagi doonaa inta lugu jiro wajiyada 3-aad iyo 4-aad ee dhismaha.

Yuri Fedotov, oo ah Agaasimaha Fulint ee hay’adda UNODC ayaa intaas raaciyey, “Marka laga shidaal qaato mashruucan muhiimka ah, waxaan dadka Soomaaliyeed ku caawineynaa dib-u-dhiska hay’ado laf-dhabar u ah taabbagelinta sharciga iyo kala dambeyta, ku waas oo wax ka taraya dagaalka lugula jiro xag-jirnimada waxyeellada geysaneysa iyo dambiyada abaabulan”.

Mr. Fedotov ayaa uga mahadceliyey dowladaha Denmark, Netherlands, Boqortooyada UK, iyo sidoo kale Sanduuqa Deeqaha aruuriska ah ee Q.M, gacantii ay ka geysteen maalgelinta mashruuca MPCC.

Fulinta mashruyucan waxaa loo marayaa qaab-dhismeedka loogu magac daray Barnaamijka Wadajirka ah ee Ku Dhaqanka Sharciga, oo hoos taga yoolka 3-aad ee Qorshaha Cusub ee dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha garsoorka.