Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada oo gaaray heshiis ku aaddan qaab-dhismeedka cusub ee Caddaaladda iyo Asluubta

25 Jan 2018

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada oo gaaray heshiis ku aaddan qaab-dhismeedka cusub ee Caddaaladda iyo Asluubta

Jowhar - Heshiis cusub ee looga dan leeyahay in lagu dhaqan geliyo nidaamyada caddaaladda iyo asluubta ee Soomaaliya ayay ansixiyeen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada ka jira dalka.

“Heshiiskan waxaa uu suurtagelin doonaa in si nidaamsan loo dhiso hay’adaha caddaaladda iyo asluubta ee heer federaal iyo heer maamul goboleeda iyo in si weyn shacabka Soomaaliyeed loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah ee caddaaladda,” ayuu Staffan Tillander, oo ah Agaasimaha Kooxda ku Dhaqanka Sharciga iyo Hay’adaha Amniga ee Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), ka yiri xafladda lagu saxiixay heshiiska ee shalay ka dhacday magaalada Jowhar, ee xarunta Maamulka HirShabelle.

Heshiiska waxaa ka soo baxay hab-dhismeed ay dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ay ku taageeri karaan dib u dhiska nidaamka caddaaladda iyo asluubta ee dalkan ku yaalla Geeska Afrika – kuwaas oo ka mid ah hay’adaha muhiimka ah ee burburay xilligii ay socdeen dagaallada sokeeye.

Xafladda waxaa goob-joog ka ahaa Wasiirka Caddaaladda ee Dowladda Federaalka ah, Xasan Xuseen Xaaji iyo dhammaan wasiirrada caddaaladda ee maamul goboleedyada. ROLSIG iyo Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada (UNDP) ayaa bixiyay taageerrada farsamo ee lagu sameeyay hab-dhismeedka.  

“Tani guul ayay u tahay Soomaaliya,” ayuu Wasiir Xasan  Xuseen Xaaji ka yiri xafladda, asaga oo ammaanay dadaaladda wadajirka ah ee dhammaan dadka ku lug lahaa. “Waa heshiis ku saabsan sida aan u qaabeyn karno nidaamkeenna caddaaladda iyo asluubta.”

Heshiiskan siyaasadeed ee loo arkoo in uu muhiim u yahay geeddi-socodka dhismaha maamullada Soomaaliya iyo hannaanka federaalka ah, waxaa uu yimid kaddib labo sano oo wada-tashi dhanka farsamada iyo wada-xaajood u dhaxeeya Dowladda Federaalka ah iyo Maamul Goboleedyada.

“Waxaan ka soo baxeynaa colaad loogu guuleysan waayay in lagu xalliyo khilaafka. Waxaan boogaadinayaa dadaalka badan ee wasaaradaha caddaaladda ee dowladda federaalka ah iyo kuwa maamullada si ay heshiiska uga dhigaan mid dhab ah,” ayuu xusay Madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare, oo martigeliyay xafladda saxiixa.

Madaxweyne Waare ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in nidaamka cusub ee caddaaladda iyo asluubta ay soo afjari doonaan caddaalad darrada ay bulshada u dhabar adeygayeen muddo ka badan labaatan sano.

“Waxaa uu kaabi doonaa horumarka laga gaaray dhinaca booliska iyo hirgelinta Habka Cusub ee Booliska, kaas oo ku guuleystay in uu u suurtageliyo bah-wadaagta caalamiga ah in ay ogaadaan meelaha u baahan in laga taageero,”ayuu yiri Mudane Tillander.

Habka Cusub ee Booliska oo dajiyay qaab-dhismeedka mustaqbalka ee adeegyada booliska ayaa waxaa bishii Maarso 2016-kii ku heshiiyay wasiirrada amniga gudaha ee Dowladda Federaalka ah iyo maamul goboleedyada. Waxaa kaddib lagu meel-mariyay Madasha Hoggaanka Qaranka, taageerradanna waxaa lagu xaqiijiyay heshiiskii qaab-dhismeedka amniga qaranka oo la gaaray bishii Abriil, 2017-kii.

Habka Cusub ee Booliska waxaa uu adeegga booliska u qaabeynayaa labo heer, adeegyada booliska heer maamul goboleed iyo adeegyada booliska heer federaal, iyada oo mid waliba uu hoos wasaaradaha amniga ee heer maamul iyo heer federaal. Qayb waliba waxaa ay mas’uul ka noqon doontaa qorista iyo tababarka shaqaalaha booliska.

Hawlaha UNSOM waxaa ka mid ah in ay dalka ka taageerto wajiga xiga ee lagu dhisayo nidaam caddaalad ah oo ilaalinayo madax-bannaanida garsoorka kaas oo faa’iido u ah dhammaan shacabka Soomaaliyeed, iyo nidaam asluub ah oo habboon oo ammaan ah.