Macaluul ayaa qarka loo saaran yahay: Isku-duwaha Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya oo indhihiisa ku soo arkay nafaqo-darro ba'an, ayaa ku baaqay in wax la qabto

20 Jun 2022

Macaluul ayaa qarka loo saaran yahay: Isku-duwaha Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya oo indhihiisa ku soo arkay nafaqo-darro ba'an, ayaa ku baaqay in wax la qabto

Doolow – Ka dib markii ay indhahooda ku soo arkeen cawaaqib xumada cagta marineysa abaarta, intii lagu gudajiray booqasho wadajir ah oo uu maanta la sameeyay Ergayga Abaaraha ee Soomaaliya, ayuu Isku-Duwaha Gargaarka Bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay u qaabilsan wadanka Geeska Afrika ku baaqay in sare loo qaado awoodda si looga hortago macaluul.

"Xaaladda Bani’aadannimo ee Soomaaliya waxa ay ku sii jirtaa in ay si degdeg ah uga sii darto," ayuu yiri Adam Abdelmoula, oo ah Isku-duwaha gargaarka  Bani’aadannimo ee Soomaaliya. Horraanba 1.5 milyan oo carruur ah oo da'doodu ka yar tahay shan sano ayaa nafaqo-darro heshay, waxaana fileynaa in 356,000 oo kuwan ka mid ah aysan sii noolaan karin illaa dhammaadka Sebteembar ee sanadkan. Nafaqo-darrada ba'an waxay ku dhowdahay inay kororto haddii aynaan si weyn kor ugu qaadin qorshaheenna wax-ka-qabashada."

Soomaaliya waxaa soo maray afar xilli roobaad oo si xiriir ah u baaqday, taasoo ah wax aan weligeed ka dhicin taariikhda dalka. Maanta, waxay wajaheysaa suurtagalnimada xilligii shanaad oo baaqda.

"Horraanba kala bar dadka, 7.1 milyan oo Soomaali ah, ayaa u baahan gargaar cunto," ayuu yiri mas’uulka ugu sarreeya arrimaha Bani’aadannimo. "Haddii xilli-roobaadka shanaad uu guuldarreysto, tiradani aad bay u kordhi doontaa."

Siddeed ka mid ah 90-ka degmo ee Soomaaliya ayaa horraanba waxaa ka jira xaalado macluul oo kale ah oo ka dhigan masiibo. Dad badan ayaa ku qasbanaanaya inay sibiq ku galaan qaybtan laga argagaxo haddii farqiga maalgelinta aan la daboolin. "Waxaan si joogto ah uga codsanayaa deeq-bixiyeyaasheenna, kuwa joogtada ah ama kuwa cusub, inay lacagta ku bixiyaan farasaar si aan u badbaadin karno nolosha annaga oo eegayna xilli-roobaadkii shanaad oo fashilmi kara," ayuu yiri Mr. Abdelmoula.

Hoy la’aan, cunto la’aan, dawo la’aan

Mudane Abdelmoula ayaa hadlkan yiri isaga oo jooga magaalada Doolow ee ku taal dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ee koonfurta Soomaaliya, halkaasi oo uu booqday deegaanno cusub ee dadka ku barabaxay (IDPs) iyo xarumo caafimaad, wuxuuna la kulmay odayaasha iyo bah-wadaagta arrimaha gargaarka bani’aadannimo. Waxaa la socday Ergayga Gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo uu Madaxweynuhu magacaabay dabayaaqadii bishii Maajo.

"Waxaan soo aragnay in dadku ay u yimaadeen Doolow si ay gargaar u raadsadaan sababtoo ah halkan waxay galangal u leeyihiin hay'ado gargaar," ayuu yiri mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur intii uu ku gudajiray booqashada xerada barakacayaasha Kabasa. “Laakin waxaan marqaati ka nahay qaar badan oo ka mid ah kuwaasi oo dhowr maalmood uu ka hor yimid oo ku sugan baahi quus ah, oo gargaarna aan helin."

Xerada Kabasa, oo la aasaasay bishii Maajo, ayaa waxa ay horanba martigelisay 300 oo qoys oo ka kala yimid dhammaan Soomaaliya oo dhan. Waa mid ka mid ah kumannaan dalka oo dhan ah. Iyadoo Doolow ay ku nool yihiin dad lagu qiyaaso ku dhawaad ​​90,000 oo qof, degmadu waxay hoy u tahay ilaa 145,668 qof oo gudaha ku barabaxay.

Haddii aan la helin hab wax loogu qabto barakacayaasha haatan, Dooloow waxa ay ku sii jireysaa in ay qaabisho dad cusub oo badankood ka imaanaya  Baay iyo Bakool iyo gudaha gobolka Gedo oo ay sabab u tahay sugnaan la’aan cunto. Dadka sida iskood ah uga soo laabtay Itoobiya ayaa sidoo kale cadaadis saaraya adeegyada jira sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada iyo nafaqada