Guddiga Nabaddaynta QM oo kulankii kowaad ka yeeshay Soomaaliya tan iyo 2015

3 Dec 2020

Guddiga Nabaddaynta QM oo kulankii kowaad ka yeeshay Soomaaliya tan iyo 2015

Muqdisho – tan iyo sanadkii 2015 waa markii kowaad oo ay Guddiga Qaramada Midoobey u Qaabilsan Nabadeynta ka arinsadeenn arrimaha Soomaaliya isla markaana ay ka wada hadleen sida ay bulshada caalamka gacan ugu geysan karaan nabadeynta iyo in xal loo dhanyahay loo helo caqbadaha hotaagan nabadeyntan

“Kulankan waxa uu ka dhigan yahay  in Soomaaliya ay dib ugu soo laabaatay booskii ay  caalamiga ku lahayd iyo in kor loo qaado xiriirka ay la laheyd beesha caaalamka – Soomaaliya ayaa 10 kii sano ee la soo dhaafay gaartay guulo badan oo la taaban karo iyada oo sameesay dib u soo kabasho iyo horumarro badan” Ra’iisul  Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed H. Rooble ayaa u sheegay guddiga intii lagu gudo jiray kulankii online-ka ahaa.

  “Nabaddu ma’aha wax las oo dhoofsan karo,, balse waxaa lagu gaari karaa in garab la’isa siiyo iyo in dib loo habeeyo qaababka aan wax u wajahno iyada oo waxyaabaha ina soo maray ay In oo yihiin khibrado aan wax ka koror sano. Waxaan ogaanay dhibaatooyinka laga dhexlo colaadaha iyo nabadeynta deg dega ah. waxaan xooga saari doonnaa danaha umadda Soomaaliyeed ee ku saleysan hagaajinta deegaanka iyo danaha dadka.” Ayuu ku daray.

Taas oo jirta, waaa in aan dadlalka horumaray wax badan ka faa’ideysannaa kana baranaa sida wax ku oolka ah ee ay u soo celiyeen sharciga iyo kala-dambaynta iyo kalsoonida bulshadooda iyo kalsoonida ay muwaadiniintooda ku qabaan hay'adahooda dawliga ah” ayuu sii raaciyey warkiisa.

Gudiga nabad dhisidda ee Qarama Midoobay ayaa ah kuwo garab ku siiya dowladaha ay aafeeyeen dagaalada sokeeye sidii nabad loogu heli lahaa. Waxa uu ka  kooban yahay 31 xubnood, oo laga soo doortay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Dhaqaalaha iyo Bulshada ee Qaramada Midoobay, iyo sidoo kale nidaamka Qaramada Midaabay ee waddammada ugu dhaqaalaha/ciidamada-badan.  

Wadahadalka maanta waxaa hogaaminayey, Danjire Rob Rae, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Canada u fadhiya Qaramada Midoobay magaalada New York.

Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu xusay sadex qodob oo lagu nabadeyn karo Soomaaliya: maamul dhisidda, dib u heshiisiinta, iyo dib u dhiska dhaqaalaha iyo soo kabashada. Waxa uu ku celceliyey sida ay Soomaalidu uga go'antahay la shaqaynta hay'adaha kala duwan sida guddiga nabad-dhisidda ee Qaramada Midoobay

 Taas waxaa dheer, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, intii kale ee kelmadaha jeediyey oo ay ku jiraan Wasiirka Haweenka iyo  Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Xaniifa Maxamed Ibraahim, Ururada Bulshada, aas aasaha Ha’adda Mandeeq ee Dhimirka iyo Caafimaadka, Rowda A. Colaad. Kuwa u hadlay Qaramada

Midoobay waxaa ka mid ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Intii lagu gudo jiray shirkii Online-ka ah ayuu Madaxa Qaramada Midoobay xusay muhiimadda ay leedahay ka qeyb galka shirkan.

“Waxaan bogaadinayaa wadashaqeynta ka dhexeysa dowladda Soomaaliya iyo Gudiga nabadeynta, waxaana gudiga ku dhiirinayaa in ay marwalba wada hadlaan – haddii ay tahay in aad dad iska dhex xulataan, iska dhex xula, - laga yaabee in sanadka soo socda la qiimeeyo marxaladaha ay soo martay doorashada, lana qiimeeyo horumarada laga gaaray, lana garto waxyaabaha laga gaabiyey” Mr. swan ayaa sidaa yiri.

“Guddiga Nabad Dhisida wuxuu naga caawin karaa in aan dhammaanteen diirada saarno mowduucyo kala duwan halkan Soomalaiya., Waxa ay naga caawin kartaa in aan abaabulno imkaaniyaadka loogu tala galay in ay ku baxaan nabad-dhisidda waxa ayna taageeri kartaa iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo waddamada kale ee khibrada u leh in lala wadaago - dhisidda iyo joogtaynta nabadda waa dadaal wadajir ah, ”ayuu ku daray ergayga QM.

 

Saddex Yool

Kulankii khadka Elikrotooyinga ahaa ee Arbacadii wuxuu lahaa saddex ujeeddo. Mida kowaad waxa udub dhexaad u ahaa fahamka dhismaha mudnaanta nabad- dhisida dalka, oo ay ku jiraan kuwo la xiriira nabad-dhisidda iyo ajendaha horumarka waara sida ku xusan Qorshaheeda Sagaalaad ee Horumarinta Qaranka ee 2019 iyo u-qalmitaankeeda codsiga loogu talagalay Sanduuqa Dhismaha Nabadda ee QM.

Sanduuqa dhaqaale  waa aaladda ugu horreysa ee dhaqaale ee hay'adda adduunka ee lagu joogteeyo nabadda waddamada halista ku jira ama ay saameeyeen dagaalka. Gudaha Soomaaliya, waxa ay markii ugu horreysay ka bilowday taageeridad xoojinta guulaha laga gaadhay nabad-dhisida sannaii 2009. Tan iyo markaas, waxa ay Soomaaliya ku maalgelisay $ 56 milyan waxa ayna ku biirisay dhinacyada sida in ay gacan ka geysato fidinta maamulka iyo kor u qaadista sharciga. Bishii Luulyo ee sannadkan, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu ansixiyay shan sano oo cusub oo ay xaq u yeelanayso Soomaaliya Sanduuqa dhaqaale.

Ujeedada labaad waxay ahayd in la sahmiyo fursadaha lagu taageerayo hirgelinta Qaab-dhismeedka Dib-u-heshiisiinta Qaranka Soomaaliyeed - oo Ra'iisul Wasaaruhu ku tilmaamay "In Mawduucu la xiriiro labada jinsi" - iyo doorka muhiimka ah ee haweenku ku leeyihiin nabad-dhisida Soomaaliya, iyada oo lagu jiro qaab dhismeedka Ajendaha Haweenka, Nabadda iyo Amniga.

NPF waxa ay bixisaa naqshad loogu tala galay hab cusub oo ka qaybgal loo dhan yahay ah oo la xiriira dib-u-heshiisiinta Soomaaliya, iyada oo haweenku ku lug leeyihiin doorka hoggaaminta iyo go'aannada gaarista ee nabad-dhisida iyo geeddi-socodka siyaasadeed, iyo sidoo kale in dhallinyarada Soomaaliyeed ay door firfircoon ka ciyaaraan qeexidda bulsho  leh mustaqbal nabadeed leh.

Ajandaha haweenka, nabada iyo amniga wuxa uu  kas oo baxay ansixintii taariikhiga ahayd qaraarka  1325 ee Golaha Ammaanka, kaas oo ahaa qaraarkii ugu horreeyay ee Golahu ku xiro haweenka ajandaha nabadda iyo amniga, iyadoo la eegayo saameynta dagaalku ku leeyahay haweenka iyo sida ay uga qayb qaadanayaan xallinta khilaafaadka iyo nabad waarta. Waxa ay caqabad ku tahay diirad saarista khilaafaadka dalalka ka dhexeeya iyada oo la adeegsanayo tallaabooyinka lagu ilaalinayo haweenka tobaneeyo sano oo cilmi-baaris ah iyo dhaqangelin muujinaysa xiriirka dhow ee u dhexeeya sinnaanta jinsiga, ka hortagga khilaafaadka, iyo nabadda.

Ujeedka saddexaad wuxuu ahaa in lala wadaago khibradda Soomaaliya ee lagu gaaray waxa loogu yeero ‘barta go’aanka’ ee deyn-cafinta iyadoo la raacayo Hindisaha Waddammada Saboolka ah ee aadka u hooseeya iyo in la baaro fikradaha iskaashiga lala yeelanayo hay'adaha maaliyadeed ee caalamiga ah ee ku saabsan nabad-dhisida.

Gaaridda ‘barta go’aanka ugu dambeeya’ bishii Maarso ee sannadkan waxa uu Soomaaliya u ahaa guul taariikhi ah oo ku began dariiqa nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya. Waxa ay xaqiijisay xaq u yeelashada waddanka ee deyn-cafinta iyo sidoo kale in si buuxda ay caadi uga dhigtay xiriirkeeda ay la leedahay hay'adaha dhaqaale ee caalamka. Waxay sidoo kale la macno ahayd in Soomaaliya ay u qalanto noocyo kamid ah maalgelinta deeqaha si ay u hesho in maaliyadeeda dalka iyo baahiyaheeda horumarineed ayna u hesho agabyo maalgelinta ganacsiga gaarka ah.

Doorka haweenka

Khudbadiisa uu ka jeediyey kulanka, Ergeyga QM ee arimaha Soomaaliya wuxuu hoostaa ka xariiqay baahida loo qabo wadahadal iyo isu tanaasul maadama wadanku isu diyaarinayo doorashooyin qaran. Waxa uu sidoo kale xusay in marka laga yimaado horumarka la taaban karo ee laga gaaray wax ka qabashada khataraha amniga, hirgelinta asaaska dimuqraadiyadda iyo dib-u-dhiska hay’adaha qaranka, caqabado badan oo muhiim ah ayaa weli jira oo u baahan in la wajaho.

Mr. Swan waxa uu xusay kaalinta muhiimkaah ee dhaqaalaha nabad-dhisidda ka ciyaartay dhinayo kala duwan oo horumarka Soomaaliya ah, iyo sidoo kale in 50% dhaqaalahaas loo qoondeeyey shanta sano ee soo socota in Soomaaliya looga fuliyo ajandaha ka qeybgalka haweenka ee siyaasadda.

“Haddii dumarka aysan ka qeybgalin siyaasadda, ma jiri doono nabad iyo horumar waara,” ayuu yiri isaga oo weedhaas ka soo xigtay Axdiga Haweenka Soomaaliyeed.

Qodobka la xiriira ka qeybgalka haweenka ee siyaasadda waxa uu qeyb ka ahaa kelmeddii Wasiir Xaniifa, taas oo shirkii gudiga ka sheegtay in doorashada Soomaaliya kahor ay booqatay dhawr ka mid ah Dowlad Gobolleedyada si ay ugu ol’oleyso qoondada haweenka ee 30% ah taas oo looga heshiiyey nidaamkii doorashada ee ay ku heshiiyeen hoggaamiyeyaasha dalka.

“Haweenka Soomaaliya waxa ay leeyihiin xuquuqda ah in ay ka qeybgalayaan habraaca doorashada. Dumarka oo ka qeyb qaata hoggaanka Soomaalida, waxaan dib u dhisi karnaa nabadda iyo ammaanka Soomaaliya,” ayey tiri.

“Xilli Soomaaliya ay sii waddo in ay horumar ka sameyso nabad-dhisidda, iyada oo ay dib-u heshiisiinta qaran ka mid tahay kuwa ahmiyadda sare u leh dowladda, waxaan si buuxda uga war qabnaa ajandaha Haweenka, Nabadda iyo Ammaanka uu ka sii mid ahaa kuwa ahmiyadda leh,” waxaa sidaas ku dartay hadalkeeda Wasiirka. “Dhabbaha nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya aad ayey u adkeyd. Hase yeeshee, haweenka Soomaalida muhiim ayey u yihiin nabad-dhisidda iyo kahortagga colaadaha

Soomaaliya. Haweenka Soomaaliyeed waa nabad abuureyaal firfircoon, dhex dhexaadiyeyaal iyo heshiisiiye-yaal.”

Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed waxa ay sidoo kale xuseen in barnaamijka cusub ee dhawaan la hirgaliyey ee NFR yahay fursad wax looga qaban karo waxyaabaha keena cadaalad darrada iyo in sare loogu qaado nabadda iyada oo la xoojinayo doorka haweenka.

“Iyada oo la marayo NRF, horumarinta xuquuqul Insaanka iyo haweenka, barnaamijka nabadda iyo ammaanka, waxaan ku kalsoonahay in is bedel togan iyo nabad waarta ay suurtagal tahay,” ayey ku dartay.

Marwo Colaad oo kulanka kelmed ka jeedineysa ayaa muujisay in xasaradaha NIDAAMSAN ee ay haweenka Soomaaliyeed sida joogtada ah ula tacaalaan oo ay ku jiraan kuwa aan muuqan iyo kuwo jireedba, iyada oo kuwa aan muuqan sheegtay in ay ka mid yihiin dhaqamada la caadiyeeyey ee la aqbalay balse waxyeelo ku ah haweenka marka la eego sida haweenka looga hadlayo bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda iyo ka qeybgalkooda siyaasadda.

 “Haweenka Soomaaliyeed waxaa kuwo quntul-yoomka u soo dhiciya inta badan qoysaska. Haweenka Soomaaliyeed waa kuwo Eeebe u dhaliyey dhex dhexaadinta marka ay timaado dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaliyeed,” ayey tiri Marwo Colaad. “Wax aan awoodno ma xadidna, waxa aan dooneynaya waa nabad. Waxaan dalbaneynaa fursadeenna, waxaanna mudannahay taaageero intaas ka badan.”

Muuqaalka kulankii Gudiga Nabadda ee QM ee Soomaaliya oo dhammeystiran halkan ayaa laga heli karaa: bit.ly/3g2HfbU