Kismaayo oo u diyaargarowday geeddi-socodka doorasho ee 2016

Taageere sita boorka ololaha  Maxamed Salaad Nuunow oo u sharaxan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Kismaayo, 22 Sebteembar  2016. UN Photo 

22 Sep 2016

Kismaayo oo u diyaargarowday geeddi-socodka doorasho ee 2016

Haddii qof booqde ah uu gaaro magaalada Kismaayo, waxa ugu horreeya ee ka hor imaanaya waa aargo ay ku qoran tahay ‘Kismaayo waa nabad’.

Si gaar ah ayay hadda ahmiyad wayn u leeyihiin erayadan quluubta dejinaya, maadaama Soomaaliya ay isu diyaarinayso billaabashada rasmiga ah ee geeddisocodka doorasho ee 2016.

U diyaargarowga doorashooyinka soo socda ayaa si xawli ah ku socda iyadoo musharraxiinta baarlamaanka ay taageero u raadinayaan ololahooda ay ku doonayaan in ay qabtaan xafiisyada dowladda.

Maxamed Salaad Nuunow iyo Cabdi Gaashaan Cigaal ayaa ka mid ah xubnaha raadinaya taageerada odayaasha qabaa’ilka iyo ergada kooxaha doorashada si ay ugu matalaan shacabka Soomaaliyeed baarlamaanka federaalka ee soo socda. Taageerayaasha labada musharrax ayaa durba boorarkii ololaha ka taagay goobo istiraatiiji ah oo ku yaalla magaalada si ay u  dhiirrigeliyaan musharraxiintooda.

“U codee Caddaalad iyo Barwaaqo. Dooro dhallinyaro daacad ah,” ayaa ku qoran mid ka mid ah boorarka. “I taageer si aad u hesho matalaad dhab ah, barwaaqo, nabad iyo xasillooni,” ayaa ku qoran mid kale.

Maxamed Nuunow ayaa hadda ololihiisa wada muddo toddobaadyo ah. Wuxuu ammaanay dadaallada maamulka Jubaland uu ugu diyaarinayo gobolka doorashooyinka soo socda.

“Geeddisocodka doorasho ee sanadkan wuxuu u muuqdaa mid baratankiisu xooggan yahay. Waliba marka ay musharraxiinta badan yihiin, waxaa dib u soo noqota rajada loo qabo dimuqraadiyad iyo maamul wanaag ka hirgala dalkan,” ayuu yiri musharrraxa xildhibaannimo.

Wasiirka warfaafinta, teknolojiyada iyo isgaarsiinta Jubaland Cabdinuur Cali Aadan ayaa xusay in ay korortay tirada musharraxiinta u tartamaya kuraasta aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay ballanqaadkii uu horey maamulka Jubaland u sameeyay ee ahaa inuu ilaalin doono geedisocodka doorashada ee billaaban doona toddobaadyada soo socda.

Ciidanka Jubaland waxay xoojiyeen ammaanka si ay u xaqiijiyaan in hannaanka doorasho uu ku socdo si nabad ah,” ayuu yiri Cabdinuur.