War Murtiyeedka Madasha Iskaashiga Soomaaliya - 2da Oktoobar 2019

2 Oct 2019

War Murtiyeedka Madasha Iskaashiga Soomaaliya - 2da Oktoobar 2019

Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka - WAR-MURTIYEED

Soomaaliya iyo saaxibadeeda caalamka ayaa maalmihii 1-2 Octoobar 2019 ku kulmay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka (MIS). Ka qeybgalayaashu waxay ka wada hadleen horumarka la gaaray tan iyo kulankii hore ee Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Caalamka ee la qabtay bishii Luulyo 2018, waxay isku raaceen tallaabooyinka mudnaanta leh ee si wadajir ah wax looga qabanayo caqabadaha harsan.

Saaxiibada caalamku waxay qireen guulaha ay Soomaaliya gaadhay, waxayna madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ku bogaadiyeen horumarka weyn ee laga sameeyay hirgelinta dib u habeynta oo ay ka mid tahay kor u qaadista Maareynta Maaliyada Dowladda iyo ururinta/kobcinta dakhliga, wada-tashiga laga yeeshay Qorshaha Horumarinta Qaranka, dib u habeynta ballaaran ee amniga, guulaha laga gaaray howlgallada dib u xureynta iyo xasilinta goobihii gacanta ugu jiray Al Shabaab, kor u qaadista bixinta adeegyada bulshada iyo hormarka laga sameeyay dib u heshiisiinta meelaha qaarkood.

Isla markaa, waxaa harsan caqabado dhowr ah oo ay ka mid yihiin baahida loo qabo shaqa abuurka, kobcinta dhaqaalaha, sii wadidda dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab, iyo u gurmashada dhibaatooyinka banii’aadannimada, dhisidda u  adkeysiga musiibooyinka, dejinta asaaska siyaasad loo wada dhanyahay, xoojinta dhowista xuquuqul insaanka,  ka qeybgalka iyo matalaadda howeenka iyo dadka laga tirada badanyahay.

Soomaaliya iyo saaxibadooda caalamka waxay isku raaceen Hanaan Isla-xisaabtan Labada dhinac ah oo ay si wadajir ah ugu soo koobayaan arrimaha mudnaanta leh ee diiradda loogu saarayo tallaabada wax qabadka iyo dhaqaalaha ku baxaya si looga miradhaliyo arrimaha mudnaanta leh lagana gaaro natiijooyin muhim ah ka hor Bisha Diseembar 2020. Saaxiibada caalamku waxay hoos ka xariiqeen, inkastoo horumar laga gaaray arrimo mudnaan leh oo dhowr ah, haddana wadashaqeynta siyaasadeed ee u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada oo la xoojiyo waxay dardargelin lahayd horumarka. Madaxda Soomaaliya waxay isku raaceen in wadashaqeyntaasi ay lagama maarmaan u tahay si horumar dheeraad ah looga gaaro dib u habaynta siyaasadda, arrimaha amniga iyo dhaqaalaha, iyo in tani ay u baahan tahay inay si adag oo shakhsi ah uga go’naato dhammaan madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah.

Soomaaliya waxay ballanqaadday inay si guul ah ku soo afjarto howlgallada amniga ee hadda socda, inay qaaddo howlgallo kale oo ka dhan ah Al Shabaab iyo inay dhammeystirto dib u habeynta mudnaanta leh ee lagu sameeyo hay’adaha amniga, caddaaladda iyo xuquuqda aadanaha. Sannadka 2020, arrimahan waxaa diiradda lagu saari doonaa in wadajir ah la iskula asteeyo loona qorsheeyo, si loo xaqiijiyo in dhammaan daneeyeyaasha ee ay arrintu khuseyso  ay iswaafajiyaan dadaalladooda iyo dhaqaalaha ay haystaan kuna bixiyaan meelihii lagu heshiiyay. Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya waxay ballanqaadeen inay taageeraan diyaarinta ciidammo amni  oo u hoggaansan  dhowrista xuquuqda aadanaha, xaslinta goobaha dhowaan laga xoreeyay argagixisada, taas oo ay ka mid tahay inay dadku heli karaan caddaalad, iyo hanaanka dib u haybenta lagu sameynayo qaybo muhim ah oo ay ka mid tahay dib u habaynta shaqaalaha iyo hagaajinta habka mushaar bixinta ciidamada. Soomaaliya iyo saaxiibada caalamku waxay sidoo kale ku heshiiyeen inay ka wada shaqeeyaan sidii loo qaadi lahaa tallaabooyin dheeri ah oo si fudud oo xasilloon looga guuro AMISOM loona guuro amni ay ay Soomaaliya hogaamiso oo amniga dalka lagu wareejiyo ciidamada amniga Soomaaliya. Sidoo kale, waxaa la qaadi doonaa tallaabooyin wadajir ah oo ay hormuud ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo sugo amniga hanaanka doorashada federaalka loona xoojiyo amniga magaalada Muqdisho.

Soomaaliya waxay ballanqaadday inay si buuxda u xaqiijiso halbeegyada marxaxaladda afaraad ee Barnaamijka Deyn Cafinta ee Sanduuqa Lacagta Adduunka ( SMP IV), saaxiibada caalamkuna waxay ballanqaadeen inay si firfircoon u taageeraan Dowladda Federaalka Soomaaliya sidii ay uga soo bixi lahayd halbeegyadaas; iyadoo lagu saleynayo guulaha la gaaray ilaa iyo manta, iyo inay qaadaan talalabooyinka lagama maarmaanka ah, si loogu diyaar garoobo Marxaladda Go’aaminta Dalalka Saboolka ah ee Xoogga u Qaameysan ee la filayo horaanta sannadka 2020. Saaxiibada caalamku waxay soo dhoweeyeen kulan howleedkii dhowaan lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee ku saabsanaa hanaanka deyn cafinta, waxyna Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah ku dhiirrigeliyeen inay sii wadaan  dadaalladooda ee heer siyaasadeed, si loo horumariyo loona xoojiyo hannaanka maaliyadeed ee dowladaha ka dhexeeya.

Si loo xaqiijiyo in doorasho qof iyo cod ah oo heer federaal ah la qabto dabayaaqada sannadka 2020ka / horaanta sannadka 2021ka, hay’daha fulinta iyo sharcidejinta dalka waxaa ka go’an inay meelmariyaan sharciga doorashooyinka bisha Diisembar ee sannadka 2019ka. Soomaaliya waxay ballanqaadday dhammeystirka dib u eegista dastuurka bisha Juun ee sannadka 2020ka, ansixinta Dastuurka Federaalka oo wax baddel lagu sameeyay, in la dhiso Maxkamadda Dastuuriga iyo Golaha Adeegga Garsoorka, sii wadidda geeddi socodka Dibuheshiisiinta Qaranka, iyo xaqiijinta in dhammaan qeybaha bulshada, oo ay haweenku ka mid yihiin, ka qeybgalaan go’aan qaadashada siyaasadeed. Saaxiibada caalamku waxay oggolaadeen in la dhiirrigeliyo wada xaajoodka, ka qeybgalka siyaasadda iyo abaabulidda/uruurinta dhaqaale lagu kabo maaliyadda dowladda ka dib marka la ansaxiyo shuruucda mudnaanta leh si loogu taageero howlahan, iyo in Soomaalia laga caawiyo inay ka soo baxdo waqtigii loo qorsheeyay diyaargarowga.

Soomaaliya waxay ballanqaadday inay mudnaanta koowaad siiso awoodsiinta dhallinyarada iyo abuurista fursado shaqo, si loo dhiso u adkeysiga oo loo marayo badbaadinta bulshada, in xal waara loo helo qaxootiga, dadka dalka dib ugu soo noqonaya iyo barakacayaasha gudaha iyadoo si buuxda loo dhowrayo mabaadi’da bani’aadamnimada iyo sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha; iyo in la kordhiyo adeegyada bulshada. Tani waxaa ka mid ah in si wanaagsan isula jaanqaadaan kaalmada horumarinta iyo 9ka arrimood ee mudnaanta leh ee Qorshaha Horumarinta Qaran, xoojinta kartida dowladda si ay adeegyada ku gaarsiiso dadweynaha, iyo in kor loo qaado sharciyadda dowladda. Saaxiibada caalamku waxay oggolaadeen inay taageeraan arrimahan mudnaanta leh, gaar ahaan inay buuxiyaan lacagaha ka dhiman Qorshaha Wax ka qabadka Bani’aadamnimada ee 2019.  Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka waxay isku raaceen inay mudnaanta siiyaan inay si wadajir ah wax uga qabtaan maareynta biyaha, horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, ganacsiga iyo is-dhexgalka gobolka, iyo hagaajinta adeegyada kaabayaasha. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku talajirtaa inay dejiso siyaasad qaran oo wax loogu qabanayo saameynta uu is-beddelka cimiladu yeelanayo siyaasadda guud, iyo inay meelmariso shuruuc dhiirrigalineysa kobac dhaqaale iyo shaqo abuur.

Soomaaliya waxay gaadhay horumar sannadihii la soo dhaafay taas oo ay ugu wacantahay iskaashiga xooggan ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka. Waxay isku raaceen inay xaqiijiyaan in dadaalladooda ay isla jaanqaadaan, in kor loo qaado isticmaalka nidaamyada dalka, in la meelmariyo lana hirgaliyo hannaanka sharciga qaranka ee lagu maamulo hey’adaha qaranka iyo kuwa caalamiga ah ee aan dowliga ahayn (NGOs), taas oo ay ku jirto ilaalinta ay Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka iyo shurrucda xuquuqul insaanku siiyaan hey’adaha aan dowliga ahayn, iyo in hay’adaha aan dowliga ahayn ay si buuxda ugu dhaqmaan uguna hogaansamaan shuruucda dalka. Madashu, waxay mar kale xaqiijisay ballanqaadyada dhammaan dhinaxyada iskaashigan iyo mabaad’ida isla xisaabtan labada dhinac si kor loogu qaado dadaallada wadajirka ah ee lagu dhisayo mustqabalka ifaya ee Soomaaliya.

Ka qeybgalayaashu waxay bogaadiyeen ciidamada amniga Soomaaliyeed iyo dalalka ciidamada iyo booliska kaga qaybqaata AMISOM sida geesinimda leh oo ay naftooda ugu hureen soo celinta nabada Soomaaliya. Soomaaliya waxay saaxiibada caalamka ugu mahadcelisay sida hagar la’aanta ah ee ay uga go’antahay taageerada dib u dhiska dowladnimada, horumarka iyo xasiloonida si ay ugu naaloodaan dhammaan dadka Soomaaliyeed.

 

Muqdishu, 2 October 2019