Marayn Nuux Muuse: Orodyaha ka qayb-qaadatay Olombikada oo u tartameyso nafteeda, dalkeeda iyo gabdhaha Soomaaliyeed

6 Apr 2018

Marayn Nuux Muuse: Orodyaha ka qayb-qaadatay Olombikada oo u tartameyso nafteeda, dalkeeda iyo gabdhaha Soomaaliyeed

Muqdisho- Markii uu waaga baryo, Maryan Nuux Muuse waxaa ay ka tagtaa raaxada ay ku haysatay gurigeeda oo ku yaalla duleedka Muqdisho si ay tababar ugu soo qaadato garoonka Banaadir, goobta ugu wayn ee cayaaraha loo aado ee ku taallo casimadda.

Gabadha ka qayb qaadatay ciyaaraha Olombikada ayaa waxaa ay muddo saacad ah ku qaadataa in ay tababar la qaadato kooxdeeda iyaga oo ku orda dhul bacaad ah, Xilli reer Muqdisho ay ka soo kacayaan hurdada, waxaa ay soo gebagabeysaa tababarkeeda waxaa ayna isku diyaarisaa in ay aaddo dugsiga.

Waxaa ay garoonka ka soo qaadataa mootada loo yaqaano bajaajta oo ay ku aadeyso iskoolka, waxaana ay qaadaneysaa muddo 15 daqiiqo ah.

“Waxbarashada aad ayay muhiim u tahay, islamar ahaantana, ciyaaraha isboortiga ah waa shey aan dhiiriggelin weyn ka helo, waayo waxaan doonaya in aan noqdo orodyahaan guulaysta,” ayay tiri Maryan, oo dalkeeda uu matashay cayaaraha dhallinyarada qaaradda Afrika waxaana ay kamid ahayd labadii qof ee Soomaaliyeed ee ka qayb galay tartankii ciyaarihii xagaaga ee Olombikada ahaa ee ka dhacay magaalada Rio De Janeiro sanadii 2016-ka.

Tartankeedii ugu horreeyay ee ay ka qayb gashay e 400 mitir ee tartanka haweenka ee ka dhaca Brazil ayaa waxaa ay ka gashay kaalintii ugu dambeeyay, balse arrintan kuma aysan niyad jabin, waxaana ay dooneysaa in ay noqoto shaqsigii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo ku guulaysta billada cayaaraha Olombikada ee Xagaaga ee 2020 lagu qaban doono Tokyo. 

Iyadoo aan haysan wakhti la lumiyo, ayaa Maryan way qubeysataa waxaana ay xirataa labiskeeda dugsiga, waxaa ay ku jirta sanadkeedii ugu dambeeyay ee dugsiga sare. Nolosheeda waa mid u dhaxaysa in ay orodo iyo in ay wax barato, balse dulqaadkeeda iyo sida ay u xiisneyso ayaa ka caawiyay in ay guul ka gaarto ciyaaraha.

Balse waxaa ay sidoo kale ka warqabtaa in dadaalladeeda ay un kaliya ku saleysneyn guulo ay ka gaarto tartanka orodka, waxaa ay sidoo kale tusaale u tahay gabdhaha kale ee Soomaaliyeed.

Maadaama ay tahay qof ku dayasho mudan, Maryam waxaa ay ol’oleyneysaa in gabdho badan lagu soo daro ciyaaraha.

“Ciyaaraha waxaa ay dhiiriggeliyaan nabadda. Markaay gabdho badan ku soo biiraan ciyaaraha, waxaa ay la imaanayaan wax isbeddel wanaagsan u keeni doona noloshooda iyo nolosha dadka kaleba,” ayay xustay Maryam.

Waa fikir ay la qabto madaxweynaha Xidhiidhka Ciyaaraha ee Soomaaliya, Khadiijo Aadan Daahir.

“Ciyaaraha dadka ayay isku keenaan. Dhinaca tuulooyinka, ciyaaraha waxaa ay heshiisiiyaan qabaa’illada sababtoo ah waxaa ay ilawsiineysaa in ay isu aqoonsadaan qabaa’ilo, waxaa ay iskula dhaqmaan dad wada-dhashay oo kale,” ayay tiri Khadiijo, iyadoo raacisay in ciyaaraha ay saamayn weyn u leeyihiin da’ yarta, khaasatan gabdhaha.

“Marka ay ku soo biiraan ciyaaraha, waxaa ay ogaanayaan sida ay faa’iido u leeyihiin maadaama ay kor u qaadaan caafimaadkooda, badqabkooda jir ahaaneed,” ayay xustay. “Waxaa ay ku abuureysaa rajooyin sare, waxaa ayna kor u qaadeysaa fikirwanaagsan maadaama uu qofku la kulmay dad meelo kala duwan ka kala yimid.”

In kasta oo ay hayádaha dowladda iyo kuwa aan dowliga ahayn ay maalgeliyeen horumarinta ciyaaraha Soomaaliya haddana xarumihii loogu talogalay ayaa weli ku filneyn in ay daboolaan baahida dhalinyarada.

Tan ayaa ah sababta Maryam ay ku baaqeyso taageero dheeraad ah iyo siyaasado wanaagsan oo kor loogu qaado horumarinta ciyaaraha Soomaaliya.

Baaqeedaa waxaa uu beegmaya Maalinta Caalamiga ah ee Ciyaaraha ee Horumarinta iyo Nabadda, oo la xuso sanad kasta 6-da Abriil, iyada oo ujeeddadu tahay in ay bulshada ku abuurto niya sami iyo natiijooyin bulsho oo wanagsan iyada oo loo marayo guulaha ciyaaraha.

Ciyaaraha waxaa ay sidoo kale muhiim u yihiin ka miro keenista horumar waara, sida ay qabto Qaramada Midoobay. Ajendaha 2030 ee ku aaddan Horumarka Waara, hay’addan caalamiga ah waxaa uu aqoonsaneysa dowrka isa soo taraya ee ciyaaraha ee ku aaddan in la helo horumar iyo nabad maadaama ay dhiiriggelineyso wada noolaanshaha iyo xushmadda iyo sidoo kale kaalinta ay ka ciyaarto taabagelinta haweenka iyo dhalinyarada.