Jump to navigation
Dhammaan Howlgallada QM
Taliyaha Booliska UNSOM Baydhabo, Maria Axfeldt oo siinaya warbixin ku saabsan hab cusub oo policing ah inta lagu guda jiray tababar lagu qabtay Baydhabo, Soomaaliya, 6 Desembar 2016. QM Sawir
Siminaar socday muddo saddex maalin ah, loogana doodayay qaabkii lagu hirgalin lahaa isbadalka cusub ee lagu sameynayo booliska ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo, xarunta maamulka Koonfur galbeed.
Maamulka Koonfur galbeed ayaa soo idleeyay 69 kursi oo kaga soo aaday aqalka hoose maanta. Iyadoo noqoneysa maamulkii labaad ee soo idleeyay doorashada aqalka hoose.
Ardayda Jaamacadda Simad, oo kamid ah jaamacadaha sare ee gaarka loo leeyahay ee Muqdisho oo ka qayb galaya cashar 3 December 2016. QM Sawir
Koox ka tirsan arday sanadka labaad ayaa si dhow u dhageysanaya Janaraalka howl-gabka ah ee Jaamac Maxamed Qaalib, Jananka ayaa bixinayay muxaadaro hal saac ah oo ku saabsan taariikhda siyaasada Soomaliya, fasal ka tirsan jaamacada Simad.
Joornaaliste tabinaya hannaanka doorashada Muqdisho, Soomaaliya, 4-ta Diseembar, 2016. QM Sawir
Qaar ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa qiray inay la yimaadeen faafreeb iskood ah xilliyada tebinta hannaanka doorashooyinka Soomaaliya, oo ka mid ah dalalka ugu halista badan ee ay suxufiyiinta ka hawlgalaan.
Ergay codbixinaya intii lagu gudajiray hannaanka doorashada ee Jowhar oo lagu xulanayey xubnaha Golaha Shacabka, Soomaaliya, 4-ta Diseembar 2016. QM Sawir
Shan murashax oo kale ayaa maanta lagu doortay gobolka Banadir iyo maamulka Hirshabelle iyado la soo gaaray gunaanadkii doorashada.
Ergay codbixinaya intii lagu gudajiray hannaanka doorashada ee Jowhar oo lagu xulanayey xubnaha Golaha Shacabka, Soomaaliya, 3-da Diseembar 2016. QM Sawir
Saddes murashax oo ka tirsan Aqalka hoose ayaa lagu labadii maalmod ee lasoo dhaafay maamulada Hirshabelle, Koonfur galbeed iyo Galmudug iyadoo doorashada kusii siqeyso dhamaad.
Ergay ag maraya sanduuqa codbixinta inta lagu guda jiray doorashada xubnaha Aqalka Wakiilada Dadweynaha ee Baarlamaanka Federaalka, Moqdisho, 30 Nofeembar 2016. QM Sawir
Labo xildhiban ayaa maanta lagu doortay doorashoyinka ka bilowday gobolka banaadir maanta.
Doorshada ayaa si nabad ah u dhacday waxana lagu doortay gudoomiye ku-xigeenkii labaad ee baarlamanka Mahad Cabdalla Cawad iyo Khalid Macow Cabdulkadir oo ku cusub siyaasada.
Sarkaalka Doorashooyinka oo tiimbareynaya waraaqda codbixinta intii lagu gudajiray doorashada xubnaha baarlamaanka ee Aqalka Wakiilada Daweynaha ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cadaado, Soomaaliya, 28-ka Nofembar 2016. QM Sawir.
Todobo Murashax oo kale ayaa lagu doortay maamulada Hirshabelle iyo Galmudug labadii maalin ee la soo dhaafay, doorashoyinka Aqalka hoose ee ka socda maamuladaas.
Saraakiisha doorashooyinka ayaa tirinaya codadka inta lagu guda jiray doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Baydhabo, 27 Nofembar 2016. QM Sawir
Shan xildhibaan oo kale ayaa maanta loo doortay Golaha Shacabka doorashooyinka ka socda magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar ee caasimadaha maamullada Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle.
Xubno ka tirsan Guddiga Heer Federaal ee Hergelinta Doorashooyinka Dadban ayaa yimi Cadaado, Dowladda Galmudug si ay u qiimeeyaan horumarka laga gaaray hannaanka doorashada socota ee lagu dooranayo xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, 24-ka Nofeembar 2016. QM Sawir
Xubno ka tirsan Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) ayaa booqday caasimadda Maamulka Galmudug si ay ugu cadaadiyaan maamulka halkaas ka dhisan in doorashooyinka socda ee kuraasta Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka lagu soo gunaanado xilliga loo qorsheeyey.