Jump to navigation
Dhammaan Howlgallada QM
Axmed oo ku guda jira tababarkiisa xirfadeed ee xarunta dhaqan-celinta Baydhabo
Soddon iyo hal-sano jirkan Axmed (ma aha magaciisa dhabta ah) ayaa ku biiray Al-Shabaab sababtoo ah wuxuu u baahnaa dakhli. Waa go'aan, ayuu yiri, uu weligiis ka shalayn doono.
Soddan dagaalyahaan oo horey uga tirsanaan jiray Alshabaab ayaa ka qalinjabiyey Xarunta Dhaqancelinta Baydhabo ee Dawladgobaleedka Kuunfur Galbeed kadib markii ay dhammeysteen barnaamij dhaqancelin oo degdeg ah.
Riwaayaddu waxay ku saabsan tahay haweenay dhallinyaro ah oo dhiiran laguna magacaabo Habboon taasoo go’aansatay inay ka guul gaarto mustaqbalkeeda siyaasadeed ee ujeedkeedu yahay inay dhiir galiso dumar kale oo badan inay siyaasadda kusoo biiraan.
Interviewer: Halow Mudane, soo dhawoow. Waadna ku mahadsan tahay in aad oggolaato inaan wareysigan kaa qaado. Waa maxay dowrka Qaramada Midoobay ee ku aaddan geeddi socodka doorashada?
Kooxda fulinta doorashooyinka dadban ee federaalka (FIEIT) ayaa dadweynaha ka ballanqaaday in ay hawshooda u gudanayaan si dhexdhexaadnimo ah, si loo xaqiijiyo in ay dalka ka dhacdo doorasho taabbagal ah.
Danjire Sharafeedka Fatima Cabdi Warsame waxay u qareemeysaa in haweenku ay helaan qoondadooda ah boqolkiiba 30 kuraasta labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee soo socda.
Kaliya ayadoo jirta 25-jir, Faadumo Cabdi Warsame waxay shukaanta u haysaa urur u abaabula dadka dhallinyarada ah inay billaabaan mashaariic sare u qaadi karo darajada ay ku dhex leeyihiin bulshada.
Xoghayaha-Guud ayaa cambaareeyay weerarki argagixiso ee maanta ka dhacay agagaarka Gegida Dayuuradaha ee Caalamiga ah ee Muqdisho.
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta iyo Colaadda Hubaysan, Leila Zerrougui, ayaa la kulantay Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, intay ku gudajirtay booqasho shaqo oo ay ku tagtay Soomaaliya 17kii Luulyo 2016
Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud (WGXG) ee Qaramada Midoobey (QM) u qaabilsan carruurta iyo colaadaha hubeysan, Leila Zerrougui, ayaa soo gabengabeysey booqasho Lix maalmood qaadatay oo ay ku timid Soomaaliya, halkaas oo ay ka soo jeedisey baaq la xiriira in daryeel sidan ka wacan loo fidiyo