Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka oo ka hadlay geedi-socodka doorashada Jubaland

22 Aug 2019

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka oo ka hadlay geedi-socodka doorashada Jubaland

Muqdisho – Iyadoo ujeedddadu tahay in la xoojiyo xasilloonida lana ilaaliyo midnimada ka dhexeysa bulshada Jubaland, ayaa saaxiibada Soomaaliya ee Beesha Caalamka (Canada, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Talyaaniga, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM], Urur-Goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay) waxay la hawlgaleen xiriirna la sameeyeen dhammaan daneeyeyaasha ay arrintu khuseyso ee ku sugan Jubaland si ay ugu dhiiri-geliyaan inay ku heshiiyaan hanaan doorasho oo midaysan, lagu kalsoonaan karo, loo wada dhanyahay, xalaal ah oo si nabadgelyo ah ku dhaca. Waxaan ka walaacsannahay haddii uusan jirin heshiis noocaas ah,  suutro-galnimada xasillooni-darri iyo kala-qaybsanaan aad ugu baaha deegaanka Jubaland.

Ka-hor inta aan la gaarin hawlaha qorsheysan 22ka Agosto 2019, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyeyaasha ay arrintu khuseyso inay ka fogaadaan falal kasta ee keeni kara iska-hor-imaad iyo gacan-ka-hadal. Waxaan soo dhoweynaynaa dadaallada AMISOM ay jawi nabdoon uga hirgelinayo Jubaland, waxaana dhiiri-gelinaynaa xiriirinta iyo isku-xirka ciidamada ku sugan deegaanka. Waxaan ku boorinaynaa dhammaan daneeyeyaasha ay arrintu khuseyso inay isxakameeyaan ayna u dhaqmaan si ay ku dheehantahay xikmad iyo aqoon dowladnimo.

Ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Jubaland waa arrin aad muhiim u ah oo aan ku koobnayn oo kaliya dadka Dowlad Goboleedkaas laakiin sidoo kale waxay horseedeysaa horumar dheeraad ah oo laga gaaro arrimaha qaran ee Soomaaliya mudnaanta u leh ee siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo horumarka.

 

* * * *