Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhallinyarada oo booqashadeedii koowaad ee Soomaaliya ku ammaantay kaalinta ay dhallinyaradu ka qaadanayaan mustaqbalka dalka

19 Dec 2017

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhallinyarada oo booqashadeedii koowaad ee Soomaaliya ku ammaantay kaalinta ay dhallinyaradu ka qaadanayaan mustaqbalka dalka

Muqdisho - Maxay haweeney 27 jir oo u dhalatay dalka Sri Lanka ka dhex haysa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, oo ah magaalo dib u dhismeysa kaddib sanado badan oo colaado iyo dagaallo sokeeye ah?  

Marka loo eego Jayathma Wickramanayake, waxaa ay gudaneysaa shaqadeeda.

Wickramanayake waa Ergeyga Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhallinyarada, taasi oo loo xilsaaray in ay wax ka qabato baahiyaha iyo xuquuqda dhallinyarada, iyo in ay dhallinta u soo dhaweyso howlaha ay qabato hay’addan caalamiga ah – gaar ahaan arrimaha khuseeya Soomaaliya oo ay dhallinyarada da’dooda ka hooseyso 30 jir ay u dhigmaan seddax meelood labo meel tirada guud ee shacabka Soomaaliyeed oo ka abdan 12 milyan.

“Dhallinyaradu kaliya ma ahan hoggaamiyeyaasha berri, ee waa halgamayaasha maanta. Waa muhiim in aan ka soo tago xarunta dhexe ee Qaramada Midoobay si aan dhagaheyga ugu maqlo cabashooyinkooda – oo ay ku jiraan meelaha Soomaaliya oo  Kale ah, meel ay dhallinyaradu la soo kulmeen dhibaatooyin badan, oo ay weli culeysyo dhinaca hab-dhismeedka iyo mid hay’adeed ay ka hortaagan yihiiin in ay si weyn ugu lug yeeshaan sababo la xiriiro da’dooda – iyo in aan cabashooyinkaas: u bandhigo dowladda, siyaasad-dejiyeyaasha iyo kooxaheenna Qaramada Midoobay ee dalkani jooga,” ayay ka tiri booqashadeeda, oo ah booqashadeedii koowaad ay ku timid Afrika tani iyo markii la magacaabay sanadkii la soo dhaafay.

Wickramanayake waxaa ay joogtay caasimadda Soomaaliya muddo seddax maalmood ah halkaas oo ay howlo badan ku lug yeelatay, oo ay ka mid tahay ka qayb-galka Kulanka labaad ee Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyed, oo ah kulan ay iskugu yimaadeen boqollaal dhallinyaro ah oo ka socda daika oo dhan. Kulankan waxaa lagu daahfuray Siyaasadda Dhallinyarada Qaranka ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya maalinta koowaad ee furitaanka madasha ee 17-kii Diseembar.

Booqashada ay ku timid dalkan ku yaalla Geeska Afrika ah waxaa ay diiradda saareysaa arrimaha ay walaaca ka muujiyeen dhallinyarada, oo ay ka mid yihiin shaqo la’aanta, tahriibta, amni darro iyo xagjirnimada.

Siyaasadda Dhallinyarada Qaranka ee dhowaan la ansixiyay waxaa looga gol leeyahay in lagu xalliyo caqabadahan iyada oo meesha laga saarayo caqabadaha hay’adeed ee hortaagan horumarka dhallinyarada. Wickramanayake ayaa ku boorrisay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay ku dadaalaan in ay gaaraan hiigsigooda ayna ka gudbaan caqabadaha hortaagan.

“Had iyo jeer, dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa ay caalamka u caddeeyeen in ay yihiin kuwa adkeysi badan, in ay leeyihiin dulqaad ayna ku dhiirran yihiin in ay ka gudbaan arrimaha u baahan in xal degdeg ah laga gaaro, caqabadaha dhinaca bulshadooda iyo dadkooda ah,” ayay khudbadeeda ka tiri.

Ergeygan Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay sidoo kale u tacsiyeysay dadkii ku waxyeeloobay qarixii 14-kii Oktoobar ee ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku naf waayeen in ka badan 500 oo qof, waxaana ay boogaadisay howlaha gurmadka bani’aaddinimo ee ay sameeyeen dhallinyarada oo ay ku taageerayeen dhibbaneyaasha. Waxaa ay sidoo kale dhallinyarada Soomaalida ku boorrisay in ay adeegsadaan qaabab wanaagsan oo ay ku xalliyaan dhibaatooyinkooda.

“Xuquuqda ka qaybgalka waa xuquuq ay leeyihiin dhammaan dhallinyarada,” ayay tiri. “Waa in aan sii dalbanno boos, markaan helnana aan ka faa’iideysanno oo aan xaqiijinno in waxyaabaha mudnaanta ah iyo cabashooyinka la shaaciyay.”

Asalka ay ka soo jeeddo Wickramanayake ayaa si gaar ahaaneed ka dhigaya mid u habboon in ay ka hadasho arrimaha dhallinyarada. Ka hor inta aan loo magacaabin Ergeyga Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee u qaabilsan dhallinyaraa, waxaa ay si weyn ugu lug lahayd arrimaha la xiriiro dhallinyarada, oo ay ka mid yihiin daah-furka dhaqdhaqaaqa in si weyn dhallinyarada looga qaybgaliyo arrimaha siyaasadda iyo kuwa bulshada ee waddankeeda Sri Lanka – oo ah dal la soo kulmay colaad hub la isu adeegsaday iyo musiibooyin dabiici ah sanadaha la soo dhaafay.

Xilka ay hadda hayso, waxaa uu xoojinayaa wada shaqeynta Qaramada Midoobay iyo dhallinyarada, iyo dadaallada loogu doodayo dhallinyarada ee ku aaddan horumarin waarta, xuquuqda aadanaha iyo amniga iyo howlaha bani’aaddanimo. “Annaga dhallinyara ahaan nabaddu wax weyn bey noo tahay,” ayay tiri. “Nabadda waa arrin weyn. Nabadda kaliya ma ahan in aaney jirin colaad. Nabaddu waa horumar, nabaddu waa in aad awoodi karto in aad si xor ah u hadli karto. Nabadda waa wax kasto oo aan maalin waliba qabanno, waana in aad awood u leedahay in aad qabato adiga oo aan lagu xaddideyn.”

Iyada oo ku tilmaamtay in dhallinyarada waddanku in ay yihiin “hantida ugu weyn,” waxaa ay u xaqiijisay ka qaybgalayaasha iyo dowladda Soomaaliya taageerrada joogtada ah ee hay’adda si loo hubiyo in dhallinyarada ku nool dalku ay helaan mustaqbal wanaagsan.

Gunaanadka khudbadda ay ka jeedisay Kulanka Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed ee la qabtay Talaadadii, ayaa ergagu waxaa ay dadka la wadaagtay seddax arrimood ay ogaatay inta ay joogtay Muqdishu. Wickramanayake ayaa waxaa ay shaacisay midnimada ay muujiyeen dhallinyarada ka qaybgalayaasha ah ee ka kala yimid daafaha dalka, in dhallinyaradu ay caddeeyeen in ay yihiin nabaddoonnada saxda ah ee loo baahanyahay mustaqbalka Soomaaliya, iyo hanka weyn ee ah  dhallinyarada in ay xiriir la sameeyaan dhallinyarada kale ee caalamka ayna la wadaagaan waayo aragnimadooda.

Inta ay booqashada ku joogtay dalka, howlaha kale ee ay qabatay ergeygan Qaramada Midoobay ayaa waxaa ka mid ah in ay la kulantay masuuliyiin sar sare oo dowladda ka tirsan oo ay ku jiraan Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khaire, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaartaha, Khadiija Maxamed Diiriye iyo Duqa Magaalada Muqdisho, Thaabit Maxamed Cabdi, iyo sidoo kale wakiillo ka socday bulshada rayidka iyo mas’uuliyiin sar sare oo Qaramada Midoobay ka tirsan.

Waxaa ay sidoo kale kulan la yeelatay dhallinyaro Soomaaliyeed oo kala duwan, oo ay ka mid yihiin wakiillada ururrada iyo xiriirada, xubnaha Golaha Dhallinyarada Qaranka ee dhowaan la aasaasay, wakiillo ka socday ururrada haweenka, iyo ganacsato ka qaybgalayay siminaar ku saabsan hal-abuurka oo uu gacan ka geystay Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay ee  (UNDP).