Wareysiga Ergayga Gaarka ah Michael Keating ee ku aadan kaalinta QM ee doorashada 2016-da

1 Aug 2016

Wareysiga Ergayga Gaarka ah Michael Keating ee ku aadan kaalinta QM ee doorashada 2016-da

Interviewer: Halow Mudane, soo dhawoow. Waadna ku mahadsan tahay in aad oggolaato inaan wareysigan kaa qaado. Waa maxay dowrka Qaramada Midoobay ee ku aaddan geeddi socodka doorashada?

Ergeyga Gaarka ah: Dowrka QM waa in ay taageerto geeddi socod doorasho oo ay leedahay ummadda Soomaaliyeed, ayna maareyneyso ummadda Soomaaliyeed. Shaqadeenna waxa ay tahay in aan bixinno taageero farsamo iyo talooyin, laakin midda ugu muhiimsan waa in aan ka jawaab bixinno waxa ay ummadda Soomaaliyeed naftooda ay ka rajo qabaan in ay ka helaan geeddi socodkan.

Dhanka wakhtiga, taasi waxaa laga doonaya Guddiga Fulinta Doorashada in ay isla meel dhigaan, ayaga oo raacaya tallaabooyinka loo baahan yahay in la raaco, si loo xaqiijiyo geeddi socod lagu kalsoonaan karo.

Interviewer: Goormee ayay doorashada sannadka 2016 dhaceysaa?

Ergeyga Gaarka ah: Sida ku xusan dastuurka, doorashada waxa ay tahay in ay dhacdo dabayaaqada bisha Agosto. Culeyska jiro waa in ay doorashada dhacdo wakhtiga loogu talo galay, iyada oo la ogyahay in ay jiraan dhowr shey ee la doonayo in la qabto ka hor inta ay dhicin doorashada, si ay ummadda Soomaaliyeed iyo weliba Beesha Caalamka ay ku kalsoonaadaan. FIEIT waa Guddiga Fulinta Doorashada Dadban ee heer Federaal. Waxa uu ka kooban yahay 22 oo la isku keenay si ay u dejiyaan shuruucda lagu diyaarinaayo geeddi socodka doorashada. Waxa ay ka wada shaqeynayaan diyaarinta xeerka lagu maamuli lahaa geeddi socodka, ayaga oo eegaya danta guud ee ummadda Soomaaliyeed.

Interviewer: Waa maxay dowrka QM ay ka ciyaartay gorgortanka geeddi socodka doorashada 2016 iyo ansixinta rasmiga ah ee uu madaxweynaha xeer madaxweyne ku ansixiyey hannaanka horraantii sanadkan?

Ergeyga Gaarka ah: Dowrka ugu muhiimsan oo ay QM ciyaartay waa in ay isku keento dhammaan dadka si ay uga doodaan sheyga Soomaaliya ugu habboon.

Sanadka 2012, 135 oday dhaqameed ayaa doortay 275 xildhibaan, kuwaas oo lagu soo xulay nidaamka 4.5; afarta qabiil ee ugu waaweyn iyo 0.5 oo dadka laga tiro badan yahay. Sanadka 2020, waxaa la hiigsanaya doorasho qof iyo codkiisa ah, tanna waa horusocod aad u weyn. Marka waxaan sameyney waxay tahay, lixda bilood ama xita 12-ka bilood ee la soo dhaafay waxa aan fududeynay wadahadalo iyo dood u dhaxeeyo siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin bulshada rayidka ah, ay ka mid yihiin uruurrada dhallinyarada, ay ka mid yihiin haweenka, si la isla meel dhigo habka ummadda Soomaaliyeed ugu habboon, oo ah mid ay meel dhexe ay iskugu imaan karaan kuna heshiin karaan, inta u dhaxeysa 2012 iyo 2020.

Interviewer: Miyeysan geeddi socodka doorashada 2016-ka ahayn mid ka sii xun doorashadii 2012-ka siyaaba kala duwan?

Ergeyga Gaarka ah: Waxaan u maleynayaa doorashada 2016-ka in ay ka duwan tahay doorashadii 2012-ka siyaaba kala duwan. Ugu horreyn waa mid loo wada idil yahay. Doorashadii 2012-ka 135 oday dhaqameed ayaa soo xulay 275 xildhibaan. Xilliga kan tirade dadka waxa dooranaysa waxaa lagu dhufanaaya boqolaal; waa 14,000 oo qof ah oo ay haween ka mid yihiin, halkaasna aad bay ugu kala duwan yihiin.  Haween badan ayaa ku jira dadka soo dooranaya 275 xildhibaan.  Tan labaad, codaynta waxaa ay ka dhici doontaa 6 ama 7 goob ee dalka ka mid ah. Sidaas darteed waxaa jiri doonna dareen lahaansho maxalli ah ee sax ah. Waxaa jiri doonaa sanduuqyada codaynta, hab lagu ogaanayo in doorashada ay dhacday, waxaa jiri doonaa codeyn qarsoon. Sidaas darteed doorashada 2016-ka waxaa ay lahaan doontaa waxyaaba aanay lahayn doorashadii 2012-ka.

Interviewer: Qaramada Midoobay mowqif miyay ka leedahay arrinta ah in haweenka ay baarlamanka ku yeeshaan qoondo boqolkiba soddon?

Ergeyga Gaarka ah: Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka aad bay ugu faraxsan yihiin ballan qaadka ay sameeyeen madaxda Soomaalida, waa Madasha Hoggaanka Qaranka, oo ay u qoonddeeyeen haweenka boqolkiba soddon kuraasta barlamaanka. Aragtideenna ku salaysan waaya-aragnimadeenna caalamka, waddan kasto iyo dhaqan kasto, ka qaybqaadashada haweenka arrimaha siyaasadda waxaa ay wanaajisaa siyaasadda. Inta badan haweenka waxaa ay ka hadlaan arrimaha quseeya qaranka halka ay ragga inta badan ka hadlaan arrimaha la xiriira awoodda beelaha ay ka soo jeedaan.

Waxaa muhiim ah in ay Soomaaliya ku dhaganaato ballaanqaadyadeeda oo ay xaqiijiso in ay haweenka arrimaha siyaasadda dalka ku leeyihiin dowr buuxo.

Interviewer: Miyeysan FEIT (Guddiga Fulinta Doorashada ee heer Federaal) la shaqeynin Qaramada midoobay oo miyeysan jirin wax eex ah?

Ergeyga Gaarka ah: Qaramada midoobay waxaa ay isku dayaysaa in ay la shaqeyso qof kasto. Lama shaqeyno Dowladda Federaalka ah kaliya laakiin waxaan sidoo kale la shaqeynaa xubnaha gobolleedyada. Waxaan la shaqeyna bulshada rayidka ah. Xilligan waa xilli aad ugu duwan taariikhda siyaasadda Soomaaliya. Shaqaadannada waxaa ay tahay in aan xaqiijinno Soomaalidu in ay isla meel dhigaan waxa ay rabaan, in aan ka faa’iideysaneyno waayo-aragnimadeenna la xiriiro xeerarka caalamka, iyo nidaamyada, iyo waxa geeddi socodka ka dhigi karo mid daahfuran oo caddaalad ah, iyo waxa ka dhigi karo mid la xajiirin karo in ay tahay mid sax ah, iyo wixii la mid ah.