12 Aug 2015 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, SRSG Nicholas Kay ayaa salaan aad u diiran u diray dhalinyarada Soomaaliyeed, taas oo ku beganayd Maalinta Dhalinyarada Aduunka.
20 Jul 2015 - Muqdisho – Ku Xigeenka Cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (DSRSG), Md. Peter de Clercq ee u dhashay dalka Netherlands, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho si uu xilkiisa uga billaabo Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM). Wuxuu sidoo kale noqon doonaa Isuduwaha Gargaarka Baniaadanimo iyo Wakiilka Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Horumarinta (UNDP) u Jooga Soomaaliya.
11 Jul 2015 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii argagaxiso ee shaley lagu qaaday goob fariisin u ah AMISOM iyo laba hoteel oo ku yaalla magaalada Muqdisho kaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah, xubno ka tirsan ciidamada amaanka, ciidamo ka tirsan AMISOM iyo saraakiil Dowladda ka tirsan. Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarrada.