BAYAANAADKA SAXAAFADDA
-
16 May 2022 - New York – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyay doorashada madaxweyne ee 15-ka bisha Maajo si nabad ah ugu qabsoontay Soomaaliya, wuxuuna u hambalyeeyay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay madaxweynaha 10-aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu Madaxweynaha xilka ka degaya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ku bogaadiyay sida degdega ah ee uu u aqbalay natiijada, taageerana u muujiyay Madaxweynaha bedelaya.
-
16 May 2022 - Muqdisho – Saaxiibada Beesha caalamka* ee Soomaaliya waxay Xasan Sheekh Maxamuud ugu hambalyeeyeen doorashada loo doortay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaan Madaxweynaha xilka ka sii degaya Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ uga mahadcelineynaa sida uu u fuliyay dhaqanka siyaasadeed ee Soomaaliya isagoo si dhakhsa ah u aqbalay natiijada doorashada, una ballanqaaday inuu garab taageeri doono madaxweynaha dhaxli doona.
-
Saaxiibada beesha caalamka oo baaq u diray baarlamaanka habeenka ka horreeya doorashada madaxweynaha14 May 2022 - Muqdisho – Iyadoo la joogo habeenka ka horreeya doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa, Saaxiibada Beesha Caalamku waxay ugu baaqayaan dhammaan xubnaha Baarlamaanka inay waajibaadkooda dastuuriga ah u gutaan si ay ku jirto danta dalka.
-
06 May 2022 - New York – Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si adag u cambaareeyey falkii argagixiso ee foosha xumaa ee Al-Shabaab ay ku qaadday xarunta jiidda hore ee Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ee degmada Ceelbaraf, gobolka Shabeellaha Dhexe, 3dii Maajo 2022.
-
03 May 2022 - Muqdisho – Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka awgeed, ayaa Qaramada Midoobay waxay xoojinaysaa dowrka fir-fircoon ee hawl-wadeennada warbaahinta dalku ka cayaaraan bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda iyo sida loogu baahanyahay in la xaqiijiyo awooddooda si ay shaqadooda ugu gutaan si ammaan ah oo xornimo ku dheehantahay.
-
01 May 2022 - Muqdisho – Qoyska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya wuxuu salaan diiran u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Ciidul-Fidriga awgeed. “Qaramada Midoobay waxa ay dadka Soomaaliyeed u rajaynaysaa Ciidul-Fidri nabdoon oo amaan ah maadaama aan ku jirno dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadaan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
-
28 Apr 2022 - Muqdisho – Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay soo dhoweynayaan doorashooyinkii guusha kusoo idlaaday ee loogu tartamayey jagooyinka guddoonka Aqalka Sare ee 26kii Abriil 2022 iyo Golaha Shacabka ee 27-28 Abriil 2022. Waxaan u hambalyeynaynaa guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada dhowaan la doortay ee la wareegaya waajibaadkooda muhiimka ah xilligan xasaasiga ah ee Soomaaliya ay ku jirto.
-
27 Apr 2022 - Muqdisho – Iyadoo ay doorashooyinka Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Baarlamaanka ay dhacayaan todobaadkan, ayaa saaxiibada Soomaaliya ee caalamka* waxay boorinayaan in geeddi-socodka lagusoo gababageeyo si nabdoon. Waxaan soo dhoweynaynaa doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022.
-
14 Apr 2022 - Muqdisho – Saaxiibada caalamka* waxay soo dhaweynayaan dhaarinta maanta ee xubnaha dhowaan la doortay ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Soomaaliya. Kaddib muddo ka badan hal sano oo dhammaan hay’adaha Soomaaliyeed ee la soo doortay ay dhaafeen waqtigoodii dastuuriga ahaa, waxaan ku faraxsanahay in baarlamaanka cusub uu hadda diyaar yahay.
-
12 Apr 2022 - Soomaaliya waxa ay wajaheysaa xaalad macaluul ah iyadoo duufaan aad u daran oo astaan u ah roob yari, qiimaha cuntada oo cirka isku shareeray iyo dhaqaale yari aad u badan ay keeneen in ku dhawaad 40% Soomaalida ay qarka u saarnaadaan macluul.