10 Dec 2022 - Muqdisho – Iyadoo la xusayo maalinta xuquuqul insaanka sannadkan, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Soomaalida ugu baaqday inay u istaagaan xuquuqul insaanka si loo xaqiijiyo in qof kasta, oo ay ku jiraan xubnaha bulshada nugul iyo kuwa la heyb sooco, dadka naafada ah, dadka gudaha ku barakacay, iyo kuwa kale ee la kulma takoorid, ay si buuxda ugu naalloodaan xuquuqdooda iyo xoriyadooda.
03 Dec 2022 - Muqdisho – Iyadoo la xusayo maalinta caalamiga ah ee dadka naafada ah (IDPD), Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta ku ammaantay maamullada Soomaaliya horumarka ay ka gaareen aqoonsiga xuquuqda dadka naafada ah, waxayna ku dhiirigelisay inay sii xoojiyaan guulaha ay gaareen.
29 Nov 2022 - New York – Xoghayaha Guud ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka Villa Rays ee magaalada Muqdisho, kaasi oo dhaliyay khasaaro badan. Wuxuu aad uga xun yahay in Soomaaliya ay weli ku dhacayaan masiibooyinka falalkan foosha xun ee argagixisada, wuxuuna ku baaqayaa in lala xisaabtamo kuwii ka dambeeyay falkaas.
25 Nov 2022 - Muqdisho – Iyadoo ay billaabanayaan 16ka maalmood ee caalamiga ah ee u Hawlgelidda la dagaallanka Xadgudubka ku Salaysan Jinsiga ayaa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku baaqeysaa In La Laballaabo dadaallada looga hortagayo waxna looga qabanayo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.
01 Nov 2022 - New York – Muqdisho, 29-kii Oktoobar 2022, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 100 qof, in ka badan 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen. Waxa ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin, isla markaana ay tacsi u direen ehelada dadkii ku dhintay, shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo u rajeeyay caafimaad deg deg ah kuwii ku dhaawacmay.
31 Oct 2022 - New York – Xoghayaha Guud wuxuu aad uga murugooday weerarkii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen. Waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska iyo ehelada dadka dhibbanayaasha ah, oo ay ku jiraan shaqaalaha Qaramada Midoobay, iyo sidoo kale wuxuu tacsi u dirayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxa uu caafimaad degdeg ah u rajeeyay dadkii dhaawacmay.
03 Oct 2022 - New York – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu cambaareynayaa weerarradii ka dhacay magaalada Beledweyne, Hirshabelle, ee ay geysteen Al-Shabaab, kuwaasoo sababay dhimashada dad badan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka.
Wuxuu tacsi u dirayaa qoysaska/ehellada dadkii ku dhintay iyo sidoo kale Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu caafimaad degdeg ah u rajeynayaa kuwa dhaawacmay.
20 Aug 2022 - New York – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii argagixiso ee lagu qaaday hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho 19kii Ogosto. Wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dhibbanayaasha iyo sidoo kale Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale caafimaad degdeg ah u rajaynayaa inta dhaawaca ah.
01 Jul 2022 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya ugu hambalyeynaya sannadguurada 62-aad ee ka soo wareegatay madaxbannaanida dalkooda.
19 Jun 2022 - Muqdisho – Iyadoo la xusayo maalinta caalamiga ah ee ciribtirka xadgudubyada galmada ee xilliga colaadaha, QM ee Soomaaliya ayaa maanta ku baaqday in la xoojiyo hababka sharci iyo kuwa bulsho ee lagu ilaaliyo dadka ka badbaaday rabshadahaas oo kale, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.