Dhacdooyinkii ugu dambeeyay

Sarkaalka Doorashooyinka oo tiimbareynaya waraaqda codbixinta intii lagu gudajiray doorashada xubnaha baarlamaanka ee Aqalka Wakiilada Daweynaha ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cadaado, Soomaaliya, 28-ka Nofembar 2016. QM Sawir.

Xubno ka tirsan Guddiga  Heer Federaal ee Hergelinta Doorashooyinka Dadban  ayaa yimi Cadaado, Dowladda Galmudug si ay u qiimeeyaan horumarka laga gaaray hannaanka doorashada socota ee lagu dooranayo xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, 24-ka Nofeembar 2016. QM Sawir

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya, Mecheal keating ( SRSG), Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ( SRCC) ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Caetano Madeira, Madaxa Ergada Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Ms. Veronique Lorenzo iyo saraakiil kale oo  ka socday AMISOM inta lagu gudajiray kulan la la lahaa M/weynaha Dowladda Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe,  Kismaayo, Soomaaliya, 24-ka Nofeembar 2016. QM Sawir

Mid ka mid ah ergada oo codkeeda ridanaysa intii lagu gudajiray hanaanka doorashada xubnaha aqalka hoose Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Baydhabo, Soomaaliya, 24-ka Nofeembar 2016. QM Sawir

Xubin ka mida saraakiisha doorashada ayaa la hadlaysa mid ka mida Ergada intii lagu guda jiray hanaanka doorashada ee lagu  soo xulanayo xubnaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Gudaha magaalada Baydhabo, Soomaaliya, 16 Nofembar 2016. Sawir QM

Mid ka mida Ergada ayaa tirinaya codadka intii lagu guda jiray hanaanka doorashada ee lagu dooranayo xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya gudaha magaalada Kismaayo, Soomaaliya, 15 Nofembar 2016. Sawir QM

 

Pages