Ergeyga Gaarka ah Keating oo dadka Soomaaliyeed u rajeeyay Ramadaan barakeysan

26 May 2017

Ergeyga Gaarka ah Keating oo dadka Soomaaliyeed u rajeeyay Ramadaan barakeysan

WAR-SAXAAFADEED 06/2017

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u jooga Soomaaliya Michael Keating ayaa dadka Soomaaliyeed u diray hambalyadiisa ugu qiimaha badan ee ku aaddan bilashada bisha barakeysan ee Ramadan.

“Sanadkan, bisha Ramadan waxay kusoo beegantay iyadoo 6.7 malyan oo Soomaali ah, oo ay kamid yihiin boqolaal kun oo barakacayaal ah ay u baahanyihiin gargaar bani’aadanimo abaarata darteed. Tani waxay ka dhigeysaa dadaallada lagu xoojinayo nabadda laguna horumarinayo daryeelka kuwo dhamaantood leh muhiimad dheeraad ah oo miro dhal ah.”

“Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan bahda Qaramada Midoobay ee ka hawlgasha Soomaaliya, fadlan iga guddooma hambalyadeena ku aaddan bil nabdoon, faa’iido leh oo barakeysan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Keating. “Ramadan kariim. Ramadan wanaagsan.”