Haweenka Soomaaliyeed oo kulan labo maalmood ah oo ay ku yeesheen Muqdisho ku taageeray nabadda

1 Dec 2018

Haweenka Soomaaliyeed oo kulan labo maalmood ah oo ay ku yeesheen Muqdisho ku taageeray nabadda

Muqdisho – Boqollaal haween ah oo ka kala yimid Soomaaliya ayaa isugu yimid caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho muddadii u dhaxeysay 28-29 Nofembar si ay u  xaqiijiyaan mawqifkooda iyo sida ay uga go’an tahay nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo ka hor-tagga xagjirnimada xoog-ku-muquuniska leh.

Jawiga Madasha Nabadda ee Haweenka ee labada maalin qaadatay, ayaa ahaa mid aad u xiiso badan, heesaha nabadda iyo qoob-ka-ciyaarkuna si wayn ayay uga muuqdeen madasha, iyadoo ka qaybgalayaasha ka kala yimid maamullada Galmudug, Puntland, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo HirShabeelle ay ka arrinsadeen sidii loo horumarin lahaa dadaallada nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo sidii looga guulaysan lahaa canaasirta xagjiriinta ah ee  ku sugan dalka.

“Waa xaq uu Eebbe na siiyey inaan iska caabbinno waxa na kala qaybinaya. Waa muhiim in ka haween ahaan, aad taageertaan mabaadi’da wax dhiseysa, halkii aad ka taageeri lahaydeen mabaadi’da wax dumineysa,” ayuu yiri Cusmaan Aadan Dhuubow, oo ah Wasiir Ku-Xigeenka Arrimaha Diinta, oo ka hadlayay furitaankii rasmiga ee madasha, maalintii Arbacada.

Ka qaybgalayaasha ku sugnaa madasha ayaa ka wada hadlay hababka looga hor-tagi karo isla markaasna loola dagaallami karo xagjirnimada xoog-ku-muquuniska leh, doorka haweenka arrintaas uga aaddan, iyo tabaha sare u qaadi kara ka qaybgalka haweenka ee dadaallada nabadda, amniga iyo dib-u-heshiisiinta.

Madasha waxay gunaanad u ahayd wada-tashi dalka oo idil laga sameeyey muddadii u dhaxeysay Luulyo iyo Nofembar oo lagu go’aaminayay hababka iyo xeeladaha sare loogu qaadi karo doorka haweenka uga aaddan nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo ka hor-tagga xagjirnimada xoog-ku-muquuniska leh, si waafaqsan istiraatiijiyadda Ka Hor-tagga iyo La Dagaallanka Xagjirnimada Xoog-ku-muquuniska leh iyo Nidaamka Taageeraya Dib-u-heshiisiinta Qaranka.

“Haweenku waxay xaqiiqdii rabaan inay nabad helaan; sidoo kalena in dib-u-heshiisiin la helo waa arrin aad muhiim u ah. Ka haween ahaan, marka ay timaaddo dib-u-heshiisiin, na lagama qaybgaliyo,” ayay tiri Fartuun Cabdisalaan Aadan, oo ah Agaasimaha Hay’adda Xuquuqda Aadanaha iyo Nabadda ee Elman.

Waxay carrabka ku adkeysay ahmiyadda ay leedahay in haweenku ay shukaanta u qabtaan dadaallada dib-u-heshiisiinta. “Marka ay timaaddo dib-u-heshiisiinta, waxaa laga yaabaa in haweenku kaliya goobta ka hadlaan, balse weligeen na lagama qaybgalin. Run ahaantii, waa billow cusub in haweenka Soomaaliyeed ay si dhab ah qayb uga noqdaan dib-u-heshiisiinta iyo sidii loo xoojin lahaa nabadda Soomaaliya,” ayay tiri Fartuun.

Batuula Sheekh Axmed Gaballe, oo ah Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, ayaa khudbo muhiim ah ka jeedisay madasha, iyadoo hoosta ka xarriiqday doorka muhiimka ah ee haweenku ka ciyaaraan ka hor-tagga, dhexdhexaadinta iyo xallinta colaadaha.

“Ujeeddada madashan waa in lala yimaado istiraatiijad si looga hor-tago loona joojiyo kuwa faafinaya isla markaasna qarsanaya afkaarta xagjirka ah; in la fuliyo ololayaal wacyigelin ah, in la qabo wada-tashiyo iyo kulamo iyo in si cad loo muujiyo inaanay haweenku daawadayaal ka sii ahaan doonin hindisayaasha nabadda,” ayay tiri guddoomiyaha.

Wada-tashiyada iyo Madasha Nabadda waxay ahaayeen hindise ay haweenku leeyihiin oo uu hoggaaminayo Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, waxaana ku lug leh oo door firfircoon ka qaadanayay haween u dhaqdhaqaaqa nabadda oo ka kala yimid dalka dacalladiisa.

Xafladdii xiritaanka ee Madasha oo dhacday 29-ka Nofembar, Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-Hayaha Guud ee Qaramada MIdoobay u qaabilsan Soomaaliya, sidoo kalena ah Isku Duwaha Arrimaha Bini’aadannimada Peter de Clercq ayaa carrabka ku adkeeyey doorka muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin xaqiijinta iyo joogtaynta nabad waarta oo ka dhalata Soomaaliya. Hase yeeshee, wuxuu xusay in doorkooda ku aaddan dhisidda nabadda uu aalaaba noqdo mid aan la aqoonsan.

“Haweenka Soomaaliyeed waxay door muhiim ah ka ciyaaraan taageeridda qoysaskooda iyo bulshooyinkooda iyo isku haynta bulshada xilliyada colaadaha. Hase yeeshee, haweenka aalaaba waa laga saaraa geeddisocodyada nabadda; doorkooda ku aaddan nabad dhisidda, iyagoo ah nabaddoonno iyo wakiillada isbaddalka waa mid aan si buuxdo loo aqoonsan, sidaas awgeed ayay Madashan ahmiyad u leedahay waana tallaabo loo qaadayo dhanka xaqiijinta in haweenka ay matalaad ku yeeshaan miiiska wada-hadalka,” ayuu yiri.

Wuxuu kaloo ku celiyey in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageeridda hindisayaasha haweenka si looga miro-dhaliyo ballanqaadyada iyo go’aamada ka soo baxay Madashan.

Madasha waxaa taageera Safaaradda Netherlands iyo Qaramada Midoobay.

“Dadaalladeenna ma aanay suurtagalayn haddii aysan jirin taageerada joogtada ah ee ay na siiso QM,” ayay tiri Batuula.

Sanadkii 2000, Qaramada Midoobay ayaa aqoonsatay doorka muhiimka ah ee ay haweenku ka ciyaari karaan nabadda iyo amniga iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyey qaraarka tirsigiisu yahay 1325, kaas oo dib u xaqiijiyey doorka muhiimka ah ee haweenku ku leeyihiin ka hor-tagga iyo xallinta colaadaha, wada-hadallada nabadda, dhisidda nabadda, nabad-ilaalinta, ka fal-celinta arrimaha bini’aadannimada iyo dib-u-dhiska colaadaha kaddib.