Jump to navigation
Dhammaan Howlgallada QM
Weriyayaasha Kismaayo oo galay sawir jamaaci gebegebada tababar ku saabsanaa soo tabinta doorashooyinka. Sawir QM
Hawlgalka Qaramada Midoobay ee kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) ayaa soo gabagabeysay tababar laba maalin ah oo ku saabsan tebinta hanaanka doorashada oo loo qabtay saxafiyiinta Kismaayo.
Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, Sweden iyo Talyaaniga ayaa soo dhoweeyay diyaar-garowga loogu jiro hirgelinta geedi-socodka 2016ka ee doorashada Soomaaliya.
Tababar labo maalin ah oo loogu talagalay saxafiyiinta Soomaaliyeed oo ku saabsan tebinta doorashada ayaa manta la soo gaba gabeeyay waxayna ka qayb galayaasha sheegeen in ay dareemeen inay si fiican diyaar ugu yihiin inay tebiyaan doorashooyinka soo socda ee dalka.
Hawlaha doorashada 2016 waxay u socdaan sidii loogu talo galay, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Hawlaha Doorashooyinka heer Federaal (FIEIT), Cumar Maxamed Cabdulle, oo maanta ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimada Muqdisho.
Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud QM u qaabilsan Soomaaliya (SRSG) Michael Keeting, oo soo dhaweynaya Maamulaha hay’adda Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay, Helen Clark, kolkii ay kasoo dagaysay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, 24-ta Agoosto 2016. Sawir QM
Madaxa Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobey ee UNDP, Helen Clark, ayaa xaaladda dalku maanta marayo ku tilmaantay mid “yididiilo wacan leh”, ka dib booqasho ay caasimadda Soomaaliya ku timid.
Wariyaal Soomaali ah oo ka qeybglaya tababar ku saabsan qaabka loo tebiyo hanaanka doorashooyinka 2016-ka, 21 Agoosto, Muqdisho. Sawir QM
Hawlgalka Taakuleynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobey (UNSOM), ayaa billaabay tababarro tixane ah oo warfidiyeenka gudaha lugu barayo qaabka loo tabiyo wararka la xiriira hannaanka doorashooyinka lugu wado in ay dhawaan dalka ka qabsoomaan.