Jump to navigation
Dhammaan Howlgallada QM
Soomaaliya ayaa Axaddii xustay Maalinta Dhallinyarada Qaranka iyadoo soo saartay baaqyo hor leh oo ka dhan ah xagjirnimada oo ay u jeedisay dhallinyarada.
Muqdisho, 14 May 2016 – Qaramada Midoobay, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska, Itoobiya, Maraykanka, Sweden iyo Talyaaniga
Macluul kaag ma reeba ah ayaa ku khasabtay Xaliima Cabdulqaadir Axmed in ay ka huleesho gurigeeda oo ku yiil Qoryooley sannadkii 2011-kii.
Warfidiyeenka Soomaaliyeed ayaa si laab-xaaran uga hadlay xaaladda xorriyadda warbaahinta dalka iyo xeerka saxaafadda ee dhawaan la ansixiyey, intii lugu jirey kulan uu shalay martigeliyey Hawlgalka Taakuleynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOM), kaas oo lugu maamuusayey Maalinta Saxaafadda
Waxay u soo joogtey Lix sano oo dhibaato, dagaal iyo ilmo koris ah, maadaama ay xaas u ahayd horjooge Al-shabaab ah, laakiin Batuula (Ma aha magaceeda saxda), hadda wey ka gudubtay culeyskaas, ka dib markii ay taageero ka heshay barnaamijka dhaqancelinta oo ka furmay magaalada Baydhabo.
Michael Keating, Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud (WGXG) ee islamarkaana ah madaxa hawlgalka QM ee Soomaaliya (UNSOM), ayaa Golaha Ammaanka u xog-warramay.
Abaar daran oo shan sano ka hor hareysay Soomaaliya ayaa horseedday macluul salfatay nolosha dad gaaraya 260,000 oo qof. Daruurta abaartu mar kale ayey dul hoganeysaa Soomaaliya.
Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Dowladda Maraykanka, Ingiriiska, Itoobiya, Talyaaniga iyo Sweden ayaa madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ku ammaanay
Beesha caalamka ayaa soo dhoweysay go’aanki kasoo baxay Dowladda Puntland ee ahaa inay si buuxda uga qayb-gelayso hanaanka doorasho ee lagusoo xuli doono baarlamaan cusub dabayaaqada sanadkan.