Jump to navigation
Dhammaan Howlgallada QM
Warbxin uu ka jeedinayo mudane Michael Keating, wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) kulanka 7873-aad Golaha Amaanka ee ku aadan xaaladda Soomaaliya.
Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa dhiibanaya codkooda si ay u doortaan afhayeenka Aqalka Sare iyo labadiisa kuxigeen intii lagu guda jiray doorasho ka dhacday Muqdisho, Soomaaliya, 22 Januwery 2017. QM Sawir
Xubnaha aqalka sare ayaa maanta u doortay Cabdi Xaashi Cabdullahi afhayeenkooda cusub doorasho ka dhacday caasimada Soomaliya.
Siyaasigan rug cadaaga ah ayaa ka adkaaday ninkii la tartamayay ee Mustafe Maxamed Qoodax isagoo helay 43 cod wadarta guud oo aheyd 52, wareegii kowaad.
Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isu-duwaha QM ee arrimaha bini’aadannimada Soomaaliya, Peter de Clercq, oo ka hadlaya munaasabad ka dhacday Muqdisho 17-kii Jannaayo 2017, oo lagu daahfurayay qorshaha gargaarka bini’aadannimo ee QM iyo deeq-bixiyeyaasha caalamka ee wax looga qaban rabo abaarta daba dheeraatay, ee horseedeysa cunto yari iyo xataa macluul ka dillaacda Soomaaliya. Sawir QM.
Xafiiska qaramada midoobey ee isku duwaha arimaha bani,aadnimada (UNOCHA) ayaa daahfuray lacag gaareysa $864 Milyan tasoo qeyb ka ah qorshaha gargaarka bini,aadnimo ee sanadka 2017, qorshahan ayaa bartilmaameed u ah 3.9 milyan Soomali aad ugu baahan gargaar deg deg ah.
Ku Xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Peter de Clercq ayaa warbixinno ka dhageystay dhibbaneyaasha xaaladda bini’aadannimo ee sii xumaaneysa ee ka jirta maamulka Koonfur Galbeed mar uu maanta booqasho qiimayn ah ku tagay magaalada Baydhabo e
Cabdiwali Sheekh Ibraahin Muudeey oo u qudbaynaya Golaha Shacabka iyo saxaafadda kadib markii la shaaciyey inuu ku guuleystay tartanka loo galay kuxigeenka koowaad Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ee Muqdisho, Soomaaliya, 12-ka Jannaayo 2017-ka. Sawirka QM
Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo ah xubin ka tirsan baarlamaanka ayaa loo doortay Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka ka dib doorasho maanta lagu qabtay caasimadda Soomaaliya.
Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa khudbo u jeedinaya Golaha Shacabka iyo saxaafadda kadib markii lagu dhawaaqay in uu ku guuleystay tartanka loo galay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliyeed ee Muqdisho, Soomaaliya, 11-ka Jannaayo 2017-ka. Sawirka QM
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa doorasho maanta ka dhacday magaalada Muqdisho dib loogu doortay xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka muddada afarta sano ee soo socota.
Qoraa iyo Falanqeeye Siyaasadeed, Abuukar Sheekh Axmed ayaa yiri: “Doodda ku saabsan arrimaha doorashooyinkka marka laga eego dhanka dadweynaha xiiso ma leh sababtoo ah ma jirin codbixin dadweyne iyo olole. Inta badan musharixiinta way ogaayeen bartilmaameedkooda, waxayna ololaha ka wadeen qabaa’ilka iyo baarlamaanka”
Doorashada taariikha ah ee dalka ka socota bilihii la soo dhaafay ayaa qabsatay doodaha meelaha la iskugu yimaado, iyadoo dadka Soomaliyeed qiyaasayan hormarka dimuqraadiyadeed ee uu dalku sameeyay kadib sanado badan oo dagaal sugeeye ah.
Ergayga gaarka ah ee xoghayaha qaramada midoobey arimaha Soomaliya Michael Keating ayaa booqday magaalada Baladweyne khamiistii si uu u qiimeyo saameynta abaaraha gobolka Hiiraan.
WAR-SAXAAFADEED 01/2017
Yusuf Xayle Jimcaale, wuxuu ka mid yahay xubnaha 275ta ee Baarlamaanka kuwaasi oo dooran doona Madaxweynaha soo socda ee Soomaaliya, sidoo kale wuxuu ka soo jeedaa qabiilka Tumaal ee laga tiro badanyahay, wuxuuna aaminsanyahy in laga qaybgeliyo hanaanka doorashada qabaailka laga tiro badanyahay lafteeda ay tahay dimukhuraadiyad
Yusuf Xayle Jimcaale, waa afartan jir ka mid ah xildhibaano 200 kor u dhaafaya oo looga fadhiyo in ay soo doortaan M/weynaha soo socda ee majaraha u qaban doona dalka afarta sano ee soo socda.