Soddan dagaalyahaan oo horey uga tirsanaan jiray Alshabaab ayaa ka qalinjabiyey Xarunta Dhaqancelinta Baydhabo ee Dawladgobaleedka Kuunfur Galbeed kadib markii ay dhammeysteen barnaamij dhaqancelin oo degdeg ah.
Warar

Danjire Sharafeedka Fatima Cabdi Warsame waxay u qareemeysaa in haweenku ay helaan qoondadooda ah boqolkiiba 30 kuraasta labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee soo socda.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta iyo Colaadda Hubaysan, Leila Zerrougui, ayaa la kulantay Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, intay ku gudajirtay booqasho shaqo oo ay ku tagtay Soomaaliya 17kii Luulyo 2016