25 Nov 2023 - Muqdisho – Iyadoo la xusayo billowga 16-ka maalmood ee ololaha dhaq-dhaqaaqa sanadlaha ah ee ka dhanka ah xad-gudubyada ku saleysan jinsiga, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay maanta ku baaqday in horumar dheeraad ah laga gaaro la dagaallanka masiibadan, iyadoo diiradda la saarayo saddex arrimood oo kala ah: ansixinta sharciga lagu xoojinayo in dhammaan dadka laga ilaaliyo xad-gudubyada ku salaysan jinsiga, taageero weyn oo loo fidiyo badbaadayaasha iyo la xisaabtanka kuwa
21 Nov 2023 - Muqdisho – Saaxiibada beesha caalamka* waxay ka walaacsan yihiin halista xiisadaha oo kor u kaca, oo uu ka mid yahay abaabulka ciidamada ee Garoowe ka socda. Joogitaanka ciidamadan ayaa cabsi gelinaya dadka shacabka ah, taasoo keentay in iskuullada la xiro.
27 Aug 2023 - Muqdisho – Saaxiibada beesha caalamka* waxay si adag u cambaareynayaan sii hurinta colaadda Laascaanood, oo ay ka mid yihiin wararka sheegaya in dagaalku ku fiday bannaanka magaalada.
21 Jun 2023 - Muqdisho – Saaxiibada beesha caalamka* waxay ka walaacsanyihiin dirirta ka socota Garowe iyo saamaynta ay ku leedahay dadka rayidka ah.
Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, laguna soo dabbaalo xasillooni. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay yeeshaan wadahadal, kaas oo ah tubta kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka.
19 Jun 2023 - Muqdisho – Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubyada Jinsiga ee xilliga colaadaha, Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maanta ku baaqday in sare loo qaado ilaalinta sharciga ee dhammaan dadka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah xadgudubyada galmada.
17 Jun 2023 - Sida loo jeediyey
Aad baad ugu mahadsan tahay Mudane Madaxwayne soo dhoweynta aadka u diiran ee aad adiga iyo maamulkaaga iigu sameyseen halkan oo ah Kismaayo, Jubaland.
Farxad wayn ayey ii tahay inaan dib ugu soo laabto Kismaayo. Waxaan halkan u joogey howlgalkii hore ahaa ee Qaramada Midoobey bartamihii 1990-meeyadii, halkaas oo aan booqasho aad u wanaagsan ku tegey dekedda iyo meelo la mid ah. Markaa, runtii waa wax cajiib ah in aan soo noqdo.