Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa cambaareeyay weerarradii qaraxyada ahaa ee shalay ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee ay ku dhinteen tiro ballaaran oo dad rayid ah oo aan waxba galabsan.