New York – Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa si adag u cambaareeyey falkii argagixiso ee foosha xumaa ee Al-Shabaab ay ku qaadday xarunta jiidda hore ee Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ee degmada Ceelbaraf, gobolka Shabeellaha Dhexe, 3dii Maajo 2022.