Doorashada taariikha ah ee dalka ka socota bilihii la soo dhaafay ayaa qabsatay doodaha meelaha la iskugu yimaado, iyadoo dadka Soomaliyeed qiyaasayan hormarka dimuqraadiyadeed ee uu dalku sameeyay kadib sanado badan oo dagaal sugeeye ah.
Warar

Qoraa iyo Falanqeeye Siyaasadeed, Abuukar Sheekh Axmed ayaa yiri: “Doodda ku saabsan arrimaha doorashooyinkka marka laga eego dhanka dadweynaha xiiso ma leh sababtoo ah ma jirin codbixin dadweyne iyo olole. Inta badan musharixiinta way ogaayeen bartilmaameedkooda, waxayna ololaha ka wadeen qabaa’ilka iyo baarlamaanka”

Yusuf Xayle Jimcaale, wuxuu ka mid yahay xubnaha 275ta ee Baarlamaanka kuwaasi oo dooran doona Madaxweynaha soo socda ee Soomaaliya, sidoo kale wuxuu ka soo jeedaa qabiilka Tumaal ee laga tiro badanyahay, wuxuuna aaminsanyahy in laga qaybgeliyo hanaanka doorashada qabaailka laga tiro badanyahay lafteeda ay tahay dimukhuraadiyad

Baarlamaanka cusub ayaa ku dhaartay xafladdii furitaanka ah ee xubnaha Golaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka Soomaaliya, Muqdisho, 27 Desembar 2016. QM Sawir

Sahra Yuusuf Cige oo ku guuleysatay kursi Golaha Shacabka ee Somaliland ayaa u jeedisay khubadii guusha ergada inta lagu gudajiray hanaanka doorashada Soomaaliyeed ee Muqdisho, Soomaaliya. 25-ka Diseembar, 2016-ka. Sawirka QM

Xildhibaan Ciise Carab oo jeedinaya hadal kadib markii lagu dhawaaqay guushiisa intii ay socotay hanaanka doorashada Soomaaliland iyo Gobalada Waqooyi oo lagu qabtay Muqdisho, Khamiistii, Diseembar 22, 2016-ka. QM sawirka