Hawlgalkii Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayey shaqadiisa xirantay 31-kii Oktoobar 2024-kii, waxaana lagu bedelay Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) Jimcihii, 1-dii Nofeembar, iyadoo la raacayo qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 2753.
Isbadalka ayaa ka tarjumaya horumarka dalka ka jira, waxaana sidoo kale uu waafaqsan yahay codsigii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in xafiiska UNSOM lagu wareejiyo kooxda Qaramada Midoobay ee dalka, muddo labo sano ah marka la gaaro Oktoobar 2026-ka.
Inta la dhammaystirayo websaydka cusub ee UNTMIS, iyo baraha bulshada xogta khuseeya hawlgalka waxa laga heli doonaa:
Mid Ka mida ergada ayaa codkeeda dhiibanaysa, intii lagu guda jiray doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Magaalada Kismaayo, Soomaaliya November 9, 2016. UN Photo / Awil Abukar
Farah Aidarus Hersi oo Ka tirsan dhalinyarada magaalada Kismaayo ee Jubbaland ayaa dhiibanaya aragtidiisa ku aadan hannaanka doorashada ee Soomaaliya, November 6,2016. Jubbaland ayaa ku jirta diyaargarow ay ku dooran lahayd xubanaha u matalaya aqalka Hoose ee Baarlamaanka. UN Photo