Haweenka Soomaaliyeed ayaa billaabay “Olole Haweenku u Dhan Yihiin’ oo ah dadaal qaran oo la doonayo in lagu helo qoondada 30 boqolkiiba ee haweenku ku leeyihiin kuraasta labada aqal ee baarlamaanka federaalka ee soo socda.
Warar

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaya shir qaran oo ku saabsan haweenka Soomaaliya iyo hanaanka doorashoyinka 2016, Moqdisho, 22 Sebteember 2016. UN Photo.

Taageere sita boorka ololaha Subeyda Maxamed Malak Mukhtar oo u sharaxan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka, Baydhabo, Soomaaliya Sebteembar 21, 2016. UN Photo

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka kala socda Dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada ayaa ka qayb galaya tababar ku saabsan baaritaanka iyo kahortaga denbiyada la xariira jinsiga oo ka dhacay Muqdisho, taariikhdu markay aheed 19ka September, 2016. Sawir QM

Ku xigeenka Wakiilka gaarka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Peter de Clercq (bidix), ayaa ku wareejinaya furayaasha baabuur deeq ah, Wasiirka Cadaalada, Dastuurka iyo Arimaha Diinta ee maamulka Jubbaland, Adan Ibrahim Aw-Hersi, Taariikhdu markay eheed 19ka September, 2016. Ku xigeenka Wakiilka Gaarka ayaa Kismaayo u tagay si uu wada xaajood ugala yeesho maaulka Jubbaland xaalada qaxootiga Soomaaliyeed ee ka soo laabanaya Xerada qaxootiga Dhadhaab. Sawir QM


Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, oo maanta la kulmay haween Soomaaliyeed oo ay hoggaamineyso Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha, Zahra Cali Samatar, ayaa ballanqaaday in uu dadaal weyn u geli doono sidii dumarku kaalin mug leh ugu

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating (dhexda) ayaa la hadlaya weriyayaasha xili Qaramada Mioobay soo bandhigaysay warbixin ku saabsan xuquuqda madax banaanida fikirka ee lagu qabtay magaalada Muqdisho, Soomaaliya, 4tii bishii Sagaalaad ee 2016. Bidix waxaa fadhiya ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Raisedon Zenenga. Midigna waxaa ka xiga Kirsten Young, oo ah madaxa xuquuqul insaanka ee howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. UN Photo
Warbixin ay xorriyadda hadalka Soomaaliya ka soo saartay QM ayaa lugu soo dhaweeyey horumarka dalku indhawaalahan ka sameeyey ballaarinta nifaaska dadweynehu aragtidooda uga dhiibanayaan siyaasadda dalka.
