BAYAANAADKA SAXAAFADDA
-
08 Jul 2019 - Garowe – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Jamed Swan ayaa booqday caasimadda Puntland ee Garoowe maanta halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka, Siciid Cabdullahi Deni iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirada.
-
01 Jul 2019 - WAR-SAXAAFADEED 09/2019 Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad-guurada 59aad ee kasoo wareegtay madaxbanaanida dalkooda.
-
25 Jun 2019 - WAR-SAXAAFADEED 08/2019 Muqdisho – James Swan ayaa maanta yimid Muqdisho is uu ula wareego waajibaadka xilkiisa isagoo ah Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Hawlagalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
-
01 Jun 2019 - WAR-SAXAAFADEED 05/2019 Muqdisho – Sii-hayaha Madaxa Xafiiska Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ahna Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga, ayaa sida ugu kulul ee suurtagal ah u cambaareeyay dilka loo geystay kaaliye amni Maxamed Cabdi Khayre isagoo kasii baxayay masjid ku yaal magaalada Gaalkacyo fiidnimadii shalay.
-
30 May 2019 - New York – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa manta shaaciyay magacaabista James Swan oo u dhashay dalka Maraykanka inuu noqonayo Wakiilkiisa Gaarka ah ee u qaabilsan Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOM). Wuxuu bedeli doonaa Nicholas Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Afrika kaasoo uu Xoghayaha Guud uga mahadcelinayo adeegiisa hufnaa ee UNSOM iyo Soomaaliya xilli adag.
-
06 May 2019 - Muqdisho – Sarkaalka masuulka ka ah Hawlgalka Kaalmaynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay (UNSOM) iyo Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ee Xoghayaha QM u qaabilsan Soomaaliya Raisedon Zenenga, ayaa salaam diirran u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed maadaama ay bishii barakaysneed ee Ramadan billaabanayso. “Anigoo ka wakil ah guud ahaan kooxda QM ee Soomaaliya,
-
11 Mar 2019 - Maanta waa maalin murugo weyn uleh Qaramada Midoobay. Sidaad ogtihiinba, shilkii naxdinta lahaa ee maanta (Axad, 10 Maarso) ka dhacay dalka Itoobiya waxaa ku geeriyooday dad badan, oo ay ku jiraan qaar kamid ah saaxiibbadeena QM oo ka kala tirsanaa dhowr hay'adood iyo ururo hoos taga QM.
-
30 Jan 2019 - Muqdisho – MW Mohamed Abdullahi Mohamed iyo RW Hassan Ali Khaire ayaa maanta Muqdisho soo dhoweeyey Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Nabad Dhisidda iyo Siyaasadda DiCarlo. Waxay sidoo kale la yeesheen kulan wada hadal furan, diirran isla markaana saraaxi ah, xilli ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka DF Somalia (FGS) iyo QM.
-
09 Jan 2019 - WAR-SAXAAFADEED 02/2019
-
14 Dec 2018 - Muqdisho – Saaxiibada Caalamka ee kala ah * (hoos ku qoran) waxay ka walaacsanyihiin dhacdooyinkii dhowaan ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Waxaan si tiiraanyo leh uga tacsiyadeynaynaa geeridii ku timid xubin ka tirsanaa golaha baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo dadkii kale ee ku dhintay rabshadaha ka dhacay magaalada Baydhabo. Waxaan cambaaraynaynaa dhamaan rabshadaha iyo falal kasta ee sii daraya xaaladda bani’aadanimo.