BAYAANAADKA SAXAAFADDA
-
09 Dec 2018 -Iyadoo la xusayo Maalinta Caalamiga ah ee La-dagaallanka Musuq-maasuqa, ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya wuxuu maanta hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay talinta sharciga iyo dhisidda hay’ado daah-furan oo lala xisaabtami karo.
-
06 Nov 2018 - WAR-SAXAAFADEED 10/2018 UNSOM oo Cambaareysay Rasaasaynta aan Sababta Lahayn ee loo Geystay Kolonyadi QM ee Ku Sugnayd Dowlad Goboleedka Galmudug Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) wuxuu cambaaraynayaa xayiraaddii iyo weerarkii loo geystay kolonyo gaadiid oo QM leedahay [dhacdadaas] oo ka dhacday waddada xiriirisa Gaalkacyo iyo Cadaado ee dowlad goboleedka Galmudug Sabtidii, 3dii November.
-
21 Aug 2018 - Muqdisho – “Munaasabadda Ciidu-adxada awgeed, waxaan ugu hambalyeynayaa dhammaan Soomaalida iyo qoysaskooda farxadda ciidda. Maanta waa xilliga fikirka wanaagsan iyo isku naxariisashada, oo aan xasuusan lahayn kuwa caawimaadda nooga baahan. Waxaan rajeynayaa in firfircoonidaas aan uga faaiideysanno dhisidda nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya. Ciida wanaagsan!” Ayuu yiri Mudane Keating.
-
13 Aug 2018 - Geneva / Muqdisho – Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobey ayaa ku boorisay Soomaaliya in ay ka amba qaaddo guulihii waaweynaa ee ay ka gaartay geeddi-socodka nabadda shantii sano ee u dambeysay ayna qaaddo tallaabooyin lagu xaqiijinayo in doorashooyinka mustaqbalka aan sumcadda looga dhaawicin xadgudubyo iyo gaboodfallo ka dhan ah xuquuqul insaanka oo la geysto inta lagu guda jiro geedi-socodka doorasho ee 2016-2017.
-
01 Jul 2018 - Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, ayaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad-guurada 58aad ee kasoo wareegtay madaxbanaanida dalkooda.
-
16 May 2018 - WARSAXAAFADEED 06/2018 Ergeyga Qaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa salaan diiran u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed iyadoo ay bilanayso bisha barakeysan ee Ramadaan.
-
18 Jan 2018 - Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, dowladaha Jabuuti, Itoobia, Talyaaniga, Kenya, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa bogaadiyay Dowlad Goboleedka Federaalka ee Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal Jamaaca (ASWJ) ugu hambalyeeyay heshiiska ay maanta ku gaareen kuna saxiixeen magaalada Dhuusamareeb kaasoo u gogol xaaraya in maamul midaysan loo dhiso Galmudug.
-
24 Dec 2017 - Madaxa Qaramada Midoobay ugu sarreeya Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay ansixintii dhowaan la ansixiyay miisaaniyadda federaalka ee dalka, taas oo ah guul weyn oo laga gaaray horumarinta dhaqaalaha, waana tallaab dalka usoo dhoweynaysa in uu dhaqaale ka helo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.
-
29 Nov 2017 - Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa ugu hambalyeysay Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka tirsan Xisbiga Nabadda, Midnimada iyo Horumarka (KULMIYE) doorashadii loogu doortay Madaxweynaha “Somaliland” taas oo shalay ay xaqiijisay Maxkamadda Sare ee “Somaliland”.
-
15 Oct 2017 - Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa cambaareeyay weerarradii qaraxyada ahaa ee shalay ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee ay ku dhinteen tiro ballaaran oo dad rayid ah oo aan waxba galabsan.