U astaynta maalinta saxaafada adduunka, Ergyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating, ayaa maanta bogaadiyey geesinimada iyo dedaalka suxufiyiinta dalka oo ka hawl gala mid ka mid ah meelaha ugu khatarsan dunida ee shaqaalaha warbaahinta.