Jump to navigation
Dhammaan Howlgallada QM
Muqadishu –Xuseen Qooje oo ah shaqsiga ka danbeeyay daabacaad cusub taasoo laga dareemay magaalada Muqdishu, ayaa sheegaya in arintaa ku khasabtay baahida ka jirta isku keenida bulshada ganacsatada magaalada.
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya, Michael Keating, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada argagaxisada ee dhowaan soo kordhay ee khasaare ba’an u geystay bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Maamulka kumeel Gaarka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay wehliyaan agaasimayaasha deg dega ayaa la hadalaya wariyaasha gudaha magaalada Baydhabo, Abriil 10, 2017. QM Sawir
Agaasimayaasha deg dega ayaa maanta booqday Baydhabo iyo Kismaayo si ay u qiimeeyaan saameynta abaarta ku reebtay dadka degan maamulada Koonfur galbeed iyo Jubbaland kuwasoo ah meelaha ay abaarta aadka u saameysay guud ahaan Soomaaliya.
Boqolaal ka tirsan dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa ku biiray dunida inteeda kale dabaaldega maalinta caalamiga ah ee hormarinta ciyaaraha iyo nabada, caasimada Soomaaliya ee Muqdishu, khamiistii.
Xassan Buule Aadan waa 40 jir dhawaan soo gaaray xerada Al-Cadaala ee dadka barakacayaash deganyihiin isagoo raadinaya gurmad deg deg ah oo uu ka helo dowlada iyo bulshada caalamka si ay uga taageeran yareynta abaartan ba,an.
Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha guud Qaramda Midoobey arimaha Soomaaliya Michael Keatings ayaa soo gabagabeeyay booqasho labo maalin ah oo uu ku tagay Soomaaliland si uu qiimeyn ugu sameeyo saameynta abaarta daba dheeratay ee ku habsatay dadka deeganadas.
Waxay ku qaadatay Faadumo Cabdi Axmed muddo afar maalmood ah in ay ka lugeyso degmada Kunturwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay gaarto caasimadda Muqdisho, iyadoo ka carareysay abaarta taagan ee saameysay kumannaan qoys oo ku nool Soomaaliya.
Nalo Nuur Musdhaf waa 26 jir, u dulqaadan weysay xanuunka dhimashada mid ka mid ah caruurteed gaajo darteed waxayna kasoo barakacday gurigeeda oo ku yaal tuulada Maayle-Murug, gobolka Shabeelada hoose, intii uusan ka dhiman mid kale.
Mutadawiciin iyo Shaqaalaha Garoonka Baydhabo ayaa dejinaya sahay Dawo ah oo Turkiga ugu deeqay dadka barakacayaasha ee ku sugan gudaha magaalada Baydhabo ee Soomaaliya, 22kii Maarso 2017. QM Sawir
Baabuur waaweyn oo sida shixnado daawo ah ayaa loo diray xaafadaha ay abaarta ba,an ku dhufatay ee ka tirsan maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya kadib markii diyaarad ay leedahay QM oo waday sahey gaartay magaalada Baydhabo.