Jump to navigation
Dhammaan Howlgallada QM
Ergay codbixinaya intii lagu gudajiray hannaanka doorashada ee Jowhar oo lagu xulanayey xubnaha Golaha Shacabka, Soomaaliya, 3-da Diseembar 2016. QM Sawir
Saddes murashax oo ka tirsan Aqalka hoose ayaa lagu labadii maalmod ee lasoo dhaafay maamulada Hirshabelle, Koonfur galbeed iyo Galmudug iyadoo doorashada kusii siqeyso dhamaad.
Ergay ag maraya sanduuqa codbixinta inta lagu guda jiray doorashada xubnaha Aqalka Wakiilada Dadweynaha ee Baarlamaanka Federaalka, Moqdisho, 30 Nofeembar 2016. QM Sawir
Labo xildhiban ayaa maanta lagu doortay doorashoyinka ka bilowday gobolka banaadir maanta.
Doorshada ayaa si nabad ah u dhacday waxana lagu doortay gudoomiye ku-xigeenkii labaad ee baarlamanka Mahad Cabdalla Cawad iyo Khalid Macow Cabdulkadir oo ku cusub siyaasada.
Sarkaalka Doorashooyinka oo tiimbareynaya waraaqda codbixinta intii lagu gudajiray doorashada xubnaha baarlamaanka ee Aqalka Wakiilada Daweynaha ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cadaado, Soomaaliya, 28-ka Nofembar 2016. QM Sawir.
Todobo Murashax oo kale ayaa lagu doortay maamulada Hirshabelle iyo Galmudug labadii maalin ee la soo dhaafay, doorashoyinka Aqalka hoose ee ka socda maamuladaas.
Saraakiisha doorashooyinka ayaa tirinaya codadka inta lagu guda jiray doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Baydhabo, 27 Nofembar 2016. QM Sawir
Shan xildhibaan oo kale ayaa maanta loo doortay Golaha Shacabka doorashooyinka ka socda magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar ee caasimadaha maamullada Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle.
Xubno ka tirsan Guddiga Heer Federaal ee Hergelinta Doorashooyinka Dadban ayaa yimi Cadaado, Dowladda Galmudug si ay u qiimeeyaan horumarka laga gaaray hannaanka doorashada socota ee lagu dooranayo xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, 24-ka Nofeembar 2016. QM Sawir
Xubno ka tirsan Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) ayaa booqday caasimadda Maamulka Galmudug si ay ugu cadaadiyaan maamulka halkaas ka dhisan in doorashooyinka socda ee kuraasta Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka lagu soo gunaanado xilliga loo qorsheeyey.
Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya, Mecheal keating ( SRSG), Wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ( SRCC) ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Caetano Madeira, Madaxa Ergada Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Ms. Veronique Lorenzo iyo saraakiil kale oo ka socday AMISOM inta lagu gudajiray kulan la la lahaa M/weynaha Dowladda Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Kismaayo, Soomaaliya, 24-ka Nofeembar 2016. QM Sawir
Jubbaland ayaa maanta noqotay dowlad goboleedkii ugu horreeyey ee soo gabagabeeyey dooorashooyinka kuraasta Golaha Shacabka.
Mid ka mid ah ergada oo codkeeda ridanaysa intii lagu gudajiray hanaanka doorashada xubnaha aqalka hoose Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Baydhabo, Soomaaliya, 24-ka Nofeembar 2016. QM Sawir
Afar haween ayaa loo doortay Golaha Shacabka doorasho maanta ka dhacday magaalo madaxda Koonfur Galbeed.
Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating (bidix) ayaa la kulmaya Madaxweynaha maamulka HirShabelle , Cali Cabdullahi Cosoble (midig), gudaha magaalada Jowhar ee Soomaaliya, 20ka Nofembar 2016. Sawir QM
Ismariwaa ka dhashay muran la xiriira doorashada ka socotay maamulka HirShabeelle ayaa maanta xal laga gaaray, ka dib markii ay soo farageliyeen Wakiilka Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan
Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating ayaa kormeeraya hanaanka doorashada ee lagu xulayo Golaha Shacabka. Kormeerka wuxuu dhacay xili uu wakiilka Gaarka ah uu howl shaqo u tagay magaalada Baydhaba ee Soomaaliya, 19ka Nofembar 2016. Sawir QM
Wakiilka gaar ah ee u qaabilsan qaramada midoobay arimaha Soomaliya Michael Keating ayaa maanta booqday xarun cod-bixin ka socotay Magaalada Baydhabo, Caasimada maamul goboleedka Koonfur Galbeed. Wakiilka ayaa kormeeray habsami u socodka tartanka Aqalka hoose.
WAR-SAXAAFADEED 30/2016