Kuwa khudbadaha jeediyey waxa ay ka hadleen sida ugu wanaagsan ee ay Beesha caalamka iyo kuwa gobolka uga taageeri karaan dowladda Soomaaliya fulinta qorsheyaasheeda, kuwaas oo ay ku jiraan natiijooyinkii ka soo baxay shirkii London ee Soomaaliya.
Wararka

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating (bidix) ayaa la kulmaya Madaxweynaha maamulka HirShabelle , Cali Cabdullahi Cosoble (midig), gudaha magaalada Jowhar ee Soomaaliya, 20ka Nofembar 2016. Sawir QM

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Michael Keating ayaa kormeeraya hanaanka doorashada ee lagu xulayo Golaha Shacabka. Kormeerka wuxuu dhacay xili uu wakiilka Gaarka ah uu howl shaqo u tagay magaalada Baydhaba ee Soomaaliya, 19ka Nofembar 2016. Sawir QM
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, oo maanta la kulmay haween Soomaaliyeed oo ay hoggaamineyso Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqda Aadanaha, Zahra Cali Samatar, ayaa ballanqaaday in uu dadaal weyn u geli doono sidii dumarku kaalin mug leh ugu