BAYAANAADKA SAXAAFADDA

  • 20 May 2021 - Muqdisho – Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay u arkaan shir-madaxeedka soo socda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya – Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah (DFS-DGXDF) ee ka dhacaya magaalada Muqdisho in uu yahay fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin si  loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya.
  • 08 May 2021 - New York – Xoghayaha Guud wuxuu soo dhaweynayaa magacaabista Mudane John Dramani Mahama oo u dhashay Dalka Ghana ah inuu noqdo Wakiilka Sare ee Midowga Afrika ee Soomaaliya wuxuuna muujiyay taageerada buuxda ee Qaramada Midoobay ee ku aaddan dadaalkan Midowga Afrika.
  • 03 May 2021 - Muqdisho – Munaasabadda Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka awgeed, ayaa Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, wuxuu mar kale xaqiijiyay muhiimadda uu leeyahay dabaaldeggan sannadlaha ah, maadaama uu fursad u yahay horumarinta mabaadi’da xorriyadda saxaafadda, laguna xuso saxafiyiintii naftooda ku waayey iyagoo ku guda jira gudashada waajibaadkooda shaqo.
  • 27 Apr 2021 - Muqdisho – Saaxiibada caalamka* waxay si adag u cambaareynayaan rabshadihii ka dhacay Muqdisho 25kii Abriil.
  • 26 Apr 2021 - New York – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si wayn uga walaacsan iska-horimaadyada hubeysan ee dhawaanahan ka dhacayay magaalada Muqdisho. Waxa uuna ku celinayaa baaqiisa ku aaddan dhammaan in dhinacyada ay khuseyso ee Soomaaliya ay ka waantoobaan colaadda, khilaafkoodana ay ku xalliyaan wada hadal iyo isu tanaasul.
  • 23 Apr 2021 - New York – Xubnaha Golaha Ammaanka waxay walaac xooggan ka muujiyeen sii socoshada is-mari-waaga siyaasadeed iyo khilaafka u dhexeeya madaxda siyaasadda ee Soomaaliya ee ku aaddan hanaanka doorashooyinka.
  • 21 Apr 2021 - Waxaa soo jeediyey: António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Waa sanad laf-dhabar u ah bani’aadannimada, hadda waxaa xilligii tallaabo adag loo qaadi lahaa dhinaca cimilada. Saynisku waa mid aan dood la galin karin oo ay dunidu isla ogoshahay: Si cimilada looga hor istaago in ay Qatar jooogta ah noqoto, waxaa qasab ah in aan yareyno kululeynta aduunka oo aan gaarsiinno 1.5 degrees Celsius.
  • 14 Apr 2021 - Muqdisho – Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Kanada, Danmark, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka IGAD, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Spain, Sweden, Switzerland, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay waxay aad uga walaacsanyihiin meelmarinta 12kii Abriil uu Golaha Shacabka meelmariyay qaraar lagu bedelayo heshiiskii 17kii Sebtember, qaraarkaas oo xambaarsan geedi-socod doorasho oo ay ka dhalan doonto m
  • 13 Apr 2021 - Muqdisho –  Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed u diray hanbalyo diiran oo ku aaddan bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan. “Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, fadlan iga guddooma hambalyadeyda bil cibaado oo nabdoon, la isku naxariisto oo la daryeelo dadka kale,” ayuu yiri Md. Swan.
  • 08 Apr 2021 - Muqdisho – Saaxiibada Beesha Caalamka* waxay ka welweleen war-saxaafadeedyadii mas’uuliyiinta qaarkood ay shalay la wadaageen bulshada kuna tilmaameen kulankii gogo-xaadhka iyo wadatashiga ahaa ee albaabadu u xidhnaayeen una dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada aanu sameyn wax horumar ah.

Pages