Hawlgalkii Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayey shaqadiisa xirantay 31-kii Oktoobar 2024-kii, waxaana lagu bedelay Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) Jimcihii, 1-dii Nofeembar, iyadoo la raacayo qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 2753.
Isbadalka ayaa ka tarjumaya horumarka dalka ka jira, waxaana sidoo kale uu waafaqsan yahay codsigii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in xafiiska UNSOM lagu wareejiyo kooxda Qaramada Midoobay ee dalka, muddo labo sano ah marka la gaaro Oktoobar 2026-ka.
Inta la dhammaystirayo websaydka cusub ee UNTMIS, iyo baraha bulshada xogta khuseeya hawlgalka waxa laga heli doonaa:
26 Apr 2021 - New York – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si wayn uga walaacsan iska-horimaadyada hubeysan ee dhawaanahan ka dhacayay magaalada Muqdisho. Waxa uuna ku celinayaa baaqiisa ku aaddan dhammaan in dhinacyada ay khuseyso ee Soomaaliya ay ka waantoobaan colaadda, khilaafkoodana ay ku xalliyaan wada hadal iyo isu tanaasul.
23 Apr 2021 - New York – Xubnaha Golaha Ammaanka waxay walaac xooggan ka muujiyeen sii socoshada is-mari-waaga siyaasadeed iyo khilaafka u dhexeeya madaxda siyaasadda ee Soomaaliya ee ku aaddan hanaanka doorashooyinka.
21 Apr 2021 - Waxaa soo jeediyey: António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay
Waa sanad laf-dhabar u ah bani’aadannimada, hadda waxaa xilligii tallaabo adag loo qaadi lahaa dhinaca cimilada.
Saynisku waa mid aan dood la galin karin oo ay dunidu isla ogoshahay: Si cimilada looga hor istaago in ay Qatar jooogta ah noqoto, waxaa qasab ah in aan yareyno kululeynta aduunka oo aan gaarsiinno 1.5 degrees Celsius.
13 Apr 2021 - Muqdisho – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa dhammaan umadda Soomaaliyeed u diray hanbalyo diiran oo ku aaddan bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
“Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, fadlan iga guddooma hambalyadeyda bil cibaado oo nabdoon, la isku naxariisto oo la daryeelo dadka kale,” ayuu yiri Md. Swan.